______________________________________________________________________________________________________

GENERAL ABDULAHI AHMED JAMA OO HEER MADAXWEYNANIMO LOOGU SOO DHOWEEYEY MAGAALADA BOSAASO




08/12/2008 -  General Cabdulahi Axmed Jaamac ayaa maanta gelinkeedii hore kasoo degey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari isla markaana ah saldhiga ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland iyadoo ay baabuur tiradooda lagu qiyaasey 70 gaari ay kasoo gelbiyeen gegeda diyaaradaha General Ilka Jiir.Dadka soo dhoweynayey ayaa waxay isugu jireen wax garadka Gobolka, Nabadoonada, hantiilayaasha iyo culumada isla markaana ay Generalka loo soo dhoweeyey qaab madax weyninimo.

General Ilka Jiir oo kasoo degaya Diyaarada Air Jabouti

Calanka Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo caleemo ayaa la ruxayey taas oo dadkii kasoo qeyb galeen soo dhoweynta Generalka.
Sidoo kale waxaa jirey cutubyo ciidan ah oo amniga garoonka Diyaaradaha si weyn u ilaalinayey oo inta badan ciidamadaasi ay ka tageen magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Generalka ayaa waxaa weheliyey Wufuud kale oo ka socotey Jaaliyada dibada iyagoo dhamaantood si diiran oo qiimo leh lagu soo dhoweeyey.

Generalka oo xaley xili danbe kasoo duuley magaalada Dubai ee Dalka Emaaradka Carabta ayaa waxa uu isla markiiba magaalada Bosaaso kula hadley bulshadii soo dhoweyneysey isagoo sheegey inuu aad uga mahad celinayo soo dhoweyntan shaqo badana ay harsan tahay.

Generalka ayaa sidoo kale ayaa qorshihiisa waxaa ku jira inuu 2 maalmood ku sugnaado magaalada Bosaaso dabadeedna uu usoo gudbo Gobolka Sanaag waxaana la filayaa inuu ugu soo horeyn doono magaalada Dhahar oo iyadu si weyn isu diyaarineysa soo dhoweynta Generalka.

Waxaa ay u gelbiyeen oo uu Degey Musharaxu Hoteelka Baana Rooma ee Magaalada Bosaso Halkaasi oo uu Saxaafada kula Hadlay isla Mar ahaantaasina Shacabka u Sheegay In Saacadaha Soo socda uu Soo bandhigayo Wax qabadkiisa

Masharaxa ayaa Ka Dib Markii uu Hoteelkiisa ku Degey Ka soo Jeediyey hadalo gaaban isagoo sheegay in Mar dhow ka Waramayo Wax qabadka kaga aadan Madaxtinimada.

 

__________________________________________________________________

KHUDBAD: General: Cabdulahi Axmed Jamac “ILKAJIIR”

(BARTAMAHA)
-- Waxaa maalintii Axadda taariikhduna ahayd June 15 sanadka 2008 lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu soo dhoweynayay musharaxa jagada madaxweynenimo ee dowladda Puntlab mudane General Cabdulahi Axmed Jaamac "Ilkajiir". Xafladdan oo ay khudbado muhiim ah kasoo jeediyeen waxgaradka iyo duqeyda magaalada Columbus iyo marti sharaf ka timid magaalooyin kale ayaan waxaan isku daynay inaan idiin soo gudbino khudbadihii halkaas laga soo jeediyay, waxaana ugu hor marinaynaa khudbaddii uu soo jeediyay General Cabdulahi, Generalku isagoo u mahadnaqaya qabanqaabiyayaashii xafladda wuxuu hadalkiisa ku bilaabay:


Most Popular on Bartamaha
Dua from Makka Al Mukaramah
Shiikh Sudais
Watch- Daawo
Muxaadaro ka hadlaysa RAMADAANKA
Shiikh Aadan
Daawo - Watch
Somalian family finds hope,
peace in Lansing

Her 11 children, two sons-in-law, and three grandchildren gather between 10 and 11 a.m. in her five-bedroom Lansing home. The women of the family cook stuffed turkey, fried rice, vegetables, bread, salad and Somali hot sauce.
Somalia’s runners provide inspiration
Samia Yusuf Omar headed back to Somalia Sunday, returning to the small two-room house in Mogadishu shared by seven family members. Her mother lives there, selling fruits and vegetables. Her father is buried there,
Ahmed Ould Abdallah Speaks to Somalis in Minneapolis + Reactions
Watch

Nomad Boy
A Short Somali Film about the life of a young Somali Nomad boy in the 1960's

Watch

20 Speakers, 3 Days and the best of our Youth. 1st Somali PHD and the author of our National Anthem and more...
Somali Youth Summit Videos
Watch

First Look
AMBAD
Trailers, Screensavers & Music Videos
only at www.Bartamaha.com

Video
Khudbaddii Jeneral A/lahi ILKAJIIR
Watch
Video
Gabay AFARREY
Watch
A rare interview of
former Somali prime minister & former Somaliland president.
9
Mahrajaankii Soomaaliya
Oktoobar 21keedii 1988
Watch Now

Copyright © 2006 Bartamaha Somali Media