Friday, April 3, 2015

Kulan Madaxweyne Xasan SH uu Dhuusamareeb kula qaatay Odayaasha dhaqanka oo la isku mari waayey

XasanSheekhOdayaashaDhuusoMareeb

Dhuusamareeb(BartamahaMadaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud oo  xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa wadahadallo aan loo kala kicin ilaa xalay la yeelanayey odayaasha dhaqanka gobolada dhexe.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud  ayaa kala hadlaya odayaasha dhaqanka sidii ay uga laaban lahaayeen go’aankii ay ku sheegeen in shirka dhismaha maamulka gobolada dhexe lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb.

Wararka hoose ee aan heleyno ayaa sheegaya in ergada Dhuusamareeb ku shirsan iney hordhigeen madaxweyne Xasan laba qodob oo kala ahaa in shirka lagu qabto Dhuusamareeb iyo magaalada Dhuusamareeb ay noqoto caasimadda maamulka la dhisayo,Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu arintaa ka biyo diiday.

Shirkii xalay ee madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa la soo sheegayaa inuu kusoo dhammaaday isfahan waa,waxaana lagu wadaa in maanta ay markale kulmaan madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka si loo xaliyo khilaafka ka taagan halka lagu qabanayo shirka maamulka loogu samaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

 

Bartamaha

 

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc