Calendar

Dad lala xiriirinayo qaraxii Islii oo la qabtey

Booliska dalkaKenyaayaa gacanta ku dhigay 3-dex qofood oo looga shakisan yahay iney luq ku leehyihiin qaraxii ka dhacay Xaafada Islii.

Taliya BooliskaKenyaee magalada Nairobi ayaa sheegay iney jiraan tuhumo soo galay saddexda qofood isla markaane ay booliska weedinayaan su’aalo.

Moses Ombati ayaa sheegay iney booliska ay isku dayayaan iney ogaadaan cidda ka danbeysay qaraxyada, waxana uu xusay in dadkaan la hayo gacanta lagu soo dhgiay markii qaraxa dhacay.

Qaraxa Islii ayaa waxa ku dhintey dad gaarayo 10-qofood halka dad badane oo kalane ay ku dhaawacmeen, waxana ay abuurtey qalalaaso saameyay ganacsigii xaafadda Islii oo Soomaalida sida wayn u dagto.

BooliskaKenyaayaa sheegay iney jiraan cadeemo hor dhac ah oo sheegaya in dad burcad ah ay doonayaan sidii ah qalqal uga abuuri lahayeen wadankaKenya.

Taliyaha Booliska Nairobi waxa uu xusay in 3-dex qofood ee la hayo uu rajenayo iney u hogaamin doonto sidiii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen dadka qalqalka iyo amaandarida maleegaya.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: