Calendar

Diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo duqeymo ka geestay Koonfurta Soomaaliya

 diyaaradaha aan duuliyaha wadin

Kadib markii ay hoolgalo dhinaca cerka ah ay gesteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin oo laga leeyahay dalka maraykanka ayaa saacadihi la soo dhaafay duqeymo u gestay magaalada kismaayo .

Wararka aan ka heleyno magaalada kismaayo ayaa sheegaya in duqeymaha ay ahayeen kuwo qorshshan oo lugula begsanaayay ururka al shabaab xerooyin ciidan ay ku lahayeen magaaladaasi.

Diyaaradaha duqeymaha ka gestay kismaayo ayaa qasaaraha ugu badan soo gaaray dadka degaanka ee ku sugan magaaladda kismaayo iney gesteen duqeymahaasi dhimasho iyo dhaawac inta la ogyahay toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay duqeynta 30 kalena way ku dhaawacantay sida ay inoo xaqiijiyen dadka degaanka .

Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ka arrimaya Ururka Al-Shabaab,dhoor jeer ayey eheed duyuuradaha aan duuliyaha laheen ay ka soo gicitimaha malaakibta dagaalka ee fariisimaha ku leh xeebaha soomaaliya ayaa duqeemo cenkaan oo kale ka gestay magaaladaasi.

Laba bil ka hor ayee eheed werar cenkaan oo kale ah markii ay ka gesteen magaalada kismaayo duleedkeda oo halkaasi ay ku begsadeen xeroyin ciidan uu kulahaa ururka al shabaab CIA marakanka ayaa shegatay iney jiraan duqentaasi ay ku dileyn in ka badan 200 oo dagaalyahan isugu jira soomaali iyo ajaanib.

Waa markii afaraad ay duqeyaan diyaaradaha dagaalka ay laga leeyahay dalka marakanka aan laheyn duuliyaha inkastoo CIA ay ku celcelisay iney sii wadi donaan weerarada cerka ah ay ku begsanayaan dagaalyahanada al qaacida iyo al shabaab waa magaalada ugu badan ay ka dhacaan duqeymaha cenkaan oo kale ah mararka qaar ayaa lugu arkaa diyaado jawi hoose ku duulaya oo gaaf waregaya magaaladaasi.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: