Calendar

G/sare Cawil Axmed Jaamac oo Shil Gaari ku Geeriyooday

Shil Gaari dhimWararka kusoo dhacaya Xafiiska Bartmaha.com ayaa tibaaxaya in Sarkaal ka tirsan Boolsika Puntland uu ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay MagaaladaGaroowe.

Allaha u naxariistee Cawil Axmed Jaamac oo ahaa Taliye xigeenkii hore Ee qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ku geeriyooday Magaalada Garoowe kadib markii ay isku dhacayn Gaari uu watay iyo Gaari kale oo rakaabka ahaa waxaana shilkan ku geeriyooday Ruux kale halka dhaawaca kor u dhaafay inkabadan Sadax ruux oo ku sugnaa Labada Gaari Ee Fooda is daray.

Waxaa kusuoo badanaya Magaalada Garoowe shillaka gawaariada oo sababab had iyo jeera dhimashada ka dhacda wadooyinka oo intabadan Madaxa isla glaaan Gawaarida intabada ku socota xawaare dheereeya iyadoo xilliyadii hore u badneyd inay rogmadaan Gawaarida Rakaabka.

Ugu danbayntii Taliska Booliska Puntland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska uu ka geeriyoodey Taliye xigeenkii hore ee Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cawil Axmed Jaamac, waxayna sidoo kale tacsi taa la mid ah diray dhamaan Golayaasha dowladda Puntland.

Waxii kusoo kordhaa warkaan kala soco www.Bartamaha.com Haddii EEBE raali ka noqdo.

Xafiiska Nairobi
Bartamaha

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: