read more »">
Calendar

Hay’adda HIRDA oo soo qabanqaabisay kulan looga hadlayay xaalada Abaaraha ee Somaliya.

hirda 5
Hay’adda HIRDA oo xarunteedu tahay magaalada Amsterdam ee wadanka Holland ahna hay’ad ka hawlgasha Somaliya ayaa waxay soo abaabushey kulan looga warbixinayo xaaladda guud ee abaaraha wadanka ka jira iyo saameynta ay ku yeesheen wadanka. kulankaas waxaa warbixin ka soo jeediyay agaasimha guud een Ururka HIRDA Fatumo Farah, sawirqaade jan-joseph stok iyo qoraa Yasmiin Allas.Kulankaas waxaa lugu  soo bandhigayey Film laga sameeyey abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somaliya. Waxaana muuqalka Filmkaasi ka dhex-muuqday Agaasimaha Hay’adda HIRDA Fadumo Maxamed Farah iyo sawir qaade u dhashay dalka Holland oo socdaal xog-ogaalnimo ah ku tagay dhawaan Somaliya.
 
Filmka ay xalay ku soo bandhigtay Hay’adda HIRDA ayaa waxaa laga soo duubay barakacayaasha somaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga gobolka Gedo iyo qaxootiga jooga Magaalada Dhoobleey,iyaddoo filmkaasi ay ka dhexmuuqdeen dad ay si weyn u taabatay abaarta ragaadisay somaliya. Waxaana xiliyada qaar kugu adgaanaya in aad si dhameystiran u daawato muuqaalada iyo hadalada laga soo duubay barakacayaasha somaliyeed oo ay la kulmeen howl-wadeenada Hay’adda HIRDA. Waxaan sidoo kale Filmka ka dhexmuuqday oo ka hadlayey dadka ku dhibaateysan deegaanka Dhoobleey labada Film-qaade ee Abdisalan Caato iyo Ahmed Farah.
hirda 13 
Muno Xandulle oo ka mid ah dhalinyarada dalka Holland wax ku bartay oo shirkaasi xiriirineysay ayaa dadweynihii shirkaasi joogay u sheegtay ujeedada shirka iyo qaabka uu soconayo shirkaasi,waxaana shirkan oo Ciwaankiisa uu ahaa “ Somali Update  Evening” isugu yimid qaarka mid ah hay’adaha samafalayaasha ah ee Holland ka  dhisan iyo somalida jecel inay gacan ka geystaan dhibaatada walaalahooda kale ee Somaliya jooga.
Agaasimaha Hay’adda HIRDA Fatumo Farah oo dhawaan socdaal ku tagay xeryahaha qaxootiga gobolka Gedo ayaa sheegtay inay halkaasi ku soo arkeen  wax aan laga sheekeyn Karin,iyaddoo dhinaca kale sheegtay inay dadka ay soo aragtay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
“ Waxaan arkay carur dhibaateysan,waxaan arkay Hooyooyin aan awood u laheyn inay carurtooda waxa ay rabaan siiyaan,Waxaan arkay waayeel ay ka muuqato diifta abaartu u geysatay,balse intaasi waxaa ka sii naxdin badnaa iyaddoo aysan dadkaasi wali helin gargaarkii ay u baahnaayeen,Marka aan sidaasi leeyahay ma ahan in aan cid gaar ah  ku eedeynayo caawin la’aanta dadkaasi dhibaateysan,Laakiin waxaan ku baaqayaa cidkasta inay garab ka geystaan sidii loo gargaari lahaa walaahaasi” ayey tiri Fatumo  Farah, Waxaana ay intaasi ku sii dartay “ Dadka ku jira xeryaha aan booqday ee ku yaala Baled-xaawo,Doolow iyo tuulada Dayax waxay u badnaayeen dad kasoo qaxay Gobolladda Bay iyo Bakool,waxaana qaarkood ay jidka uga soo tageen carurtii ay dhaleen,taasi oo xanuun ku reebtay nafteyda iyo nafta intii kale ee ila socotay” ayey si ay ku jirto  naxariis ku tiri Fatumo Farah.
hirda 3 
Dhinaca kale Fatumo Farah waxay sheegtay inay gargaar raashin qeybin  ah ka sameeyeen deegaanka Xudur iyo Magaallada Baledweyne,iyaddoona sheegtay inay sii wadi donaan howlaha gargaar qeybinta ah ee ay kawado Hay’addeeda dalka Somaliya,iyaddoona amaantay doorka qurba joogta ay kaga jiraan gurmadka abaaraha. Waxaana ay intaasi raacisay inay Hay’adda HIRDA ka madaxbanan tahay arimaha siyaasada Somaliya ka jira,balse uu doorkoodu yahay arimaha samafalka.
Yasmiin allas ayaa iyana waxay  warbixin gaaban ka bixisay dadka somalida ah ee Holland degan iyo sida dadka soomalida uu hankoodii u lumay. waxay dadkii meesha isugu yimid ugu baaqday in la iskaashado, qabiilka iyo kala qeysanaantana laga tago. yaasmiin waxay intaa ku dartay in sidaas lugu soo celin karo magicii somaliyeed.
hirda 14
Jan- Joseph  oo ah Sawir –qaade u dhashay dalka Holland isla markaana ahaa Wariyaha kaliya ee socdaalka ku wehliyey Agaasimaha Hay’adda HIRDA qeybna ka ahaa dadka dadka dhex hadlayey film ka lagu daawaday madashaasi ayaa sheegay inuu soo arkay wax uusan horey ugu soo arkin wadamada ay dhibaatada ka jirto ee Africa.
Waxaa sawir qaadahan uu sheegay in waxa ka jira somaliya ay ka durugsan tahay hadal yar oo meel laga jeediyo,waxaana uu intaasi raaciyey in la joogo xiligii ay ha’adaha gargaarka iyo umadaha kalaba ka jawaabi lahaayeen baaqa dadka gaajada u dhimanaya,isagoona hay’adda HIRDA ku amaanay dadaalkeeda ku aadan wax u qabashada dadkaasi carurtooda uga soo tagay wadooyinka gaajo heysa darted.
hirda 12
Haweeney farshaxaniiste ah oo la yiraahdo Filia isla markaana ka mid aheyd howl-wadeenada munaasabada caawa ka dhacday Amsterdam kala shaqeyneysay  Hay’adda HIRDA ayaa  halkaasi waxay ka sheegtay dareenkeed ku aadan wax u qabashada somalida abaaraha ay saameyeeyeen,Waxaana ay gacanta ku wadatay inta ay hadleysay BABIS kaasi oo ay sheegtay in dhamaan hay’adaha iyo shirkadaha degan daarta  uu xafiiska HIRDA ku yaalo maalinba mid loo dhiibi doono,kuwaasi oo saacado ka mid ah waqtigooda gelin doona wax la qabashada hay’adda HIRDA.
hirda 15
hirda 10
Don van luijn  oo ah Mas’uul ka socday Hay’adda Oxfam Novib ayaa isagana halkaasi ka sheekey waxa ay ka qabtaan somaliya,  yaddoo shirka ay ka dhexmuuqdeen madaxda Dallada ururada Somalida Holland ee FSAN iyo Sedhuro.
Waa markii ugu horeysay oo kulan sidan oo kale ah laguna soo bandhigayo Film laga soo duubay Somaliya isla markaana ay soo duubtay Hay’ad ka mid ah  kuwa ka dhisan wadankan Holland oo ay maamulaan Somali,waxana ugu danbeyn cidkasta oo halkaasi ay joogtay ay hooska ka xariiqday sidii loogu wada gurman lahaa abaaraha Somaliya.
hirda 8SAM_1439 
hirda 16
Halkan ka daawo FILM kaasi oo dhameystira…….
 
http://www.youtube.com/watch?v=JSiD-ghlCAg 
Cabdixakiim Cabdi Ismaaciil  `Xaajiga `
Email:-

Amsterdam,Netherlands.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: