Calendar

Hindiya oo Soomaaliya usoo magacaawday Safiir

IMG_4093(Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 06,2001) Madaxweynaha DKMG Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Ahmed ayaa maanta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga  safiir cusub oo Hindiya usoo magacaawday  Soomaaliya.

Waxaa goob-joog ka haa munasaabadan Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi Omaar iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Khaliif Cabdulqadiir Macalin Nuur.

Ambasador  Sibabrata Tripathia ayaa horay waxuu ka soo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan dalalka Kenya , Finland iyo Uganda.

Madaxweynaha oo hadal kooban  halkaas ka jeediyay ayaa yiri “aad ayaan ugu faraxsanyahay in Hindiya iyo Soomaliya xiirrirkooda diblomaasiyadeed uu  dib usoo noqday”   Waxaa uuna u rajeeyay safiirka cusub in uu  xiriirka labada dal kor usii qaado.

Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo in wadamo badan ay hada ku howlan yihiin sidii ay safaaradahooda ugu furan lahaayeen.


Malik Abdalla
Communication Director
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: