Calendar

Knaan iyo heestiisa “Waving Flag” oo kor u qaaday sharafta calanka Soomaaliya

waveBartamaha (London) Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan Cabdi Warsame ayaa ka mid fanaaniinta  sanadkaan loogu soo xulay inay ka heesaan furitaanka Cayaaraha Aduunka (World Cup 2010)oo maanta si rasmi ah uga furmey dalka South Africa, isagoo kaga qayb galaya heesta caanka ka noqotey dunida ee la yiraahdo ‘’Waves Flag’’,heestaan waxaa maalgaliyay  shirkada COCA COLA (Coca Cola Waves Flag Celebration), islamarkaana loo badalay in ka badan 10 luuqadood.

Keynaan isagoo lulaya calankii  umadda Soomaaliyeed ayuu ka soo dhaxmuuqday  shaashadaha Televisionada caalamka xaflada furitaanka koobka Aduunka oo habeenimadii xaleyto(10/JUNE) lagu qabtey  garoon weyn oo ku yaal xaafada Suweto dalka Koonfur Afrika, galabtana furitaanka cayaaraha aduunka ayuu markale ka soo dhaxmuuqdey  gudaha garoonka isagoo ka qaadi doono heesta Waves Flag .
Runahaantii waxay ahayd habeen taariikhi ah oo dunida dacaladeeda dadyoowgii sida tooska ah ugu daawanayay ay mar qura indhahooda ay qabteen fanaanka caanka ah Keynaan oo sita calankii Soomaaliya oo ku luuqaynaya heesta Waves Flag, iyadoo dadkii meesha buux dhaafiyayna ay lulayeen calamada dalalkooda iyagoo ay ka muuqatey farxad iyo sida ay ula dhacsan yihiin fanaanka Keynaan  iyo weliba heesta qiirada leh.
Masraxa dhan waxaa si weyn uga soo muuqanayay durbaano waaweyn iyo speakero midabkoodu yahay calanka dalka Soomaaliya, taasoo soo jiidatey indhaha dadkii daawanayay heesta iyo Soomaalida ku nool dunida dacaladeeda oo ay saamayn weyn ku yeelatey, kadib markii ay arkeen sida dhiiranaanta iyo wadaniyada ka muuqato  wiilka Soomaaliyeed.
Calankii Soomaaliyeed ee lagu xoorey  dhulka ayuu ka soo dhex qaaday busta islamarkaana si qurux badan oo ay ka muuqato kalsooni ayuu  dunida oo dhan u tusay inay weli jirto Soomaaliya, calankooduna yahay kan quruxda badan  halyeey Keynaan.
Boqolaal kun oo Soomaali ah oo isticmaala (Facebook )ayaa halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin inay arkeen calankii  dalkooda oo markale ka soo dhaxmuuqday fagaarayaasha caalamka islamarkaana si weyn u taageersan yihiin fanaanka da’yar,  balse aqristoow ogoow waxaa jira weli kuwa ay ku weyn tahay Soomaalinimada sida Keynaan oo kale, kaasoo muujiyay sida uu uga duwan yahay fanaaniinta Soomaaliyeed qaar badan oo ka mid ah, kuwasoo qaarkood wax ku soo noqday hobaladii Qaranka (Waabari) hadane mar kasta ku dhaqaaqa falal lagu kale qaybinayo dhulka Soomaaliya ee muqadaska ah, iyagoo beeso ka doorbiday sharaftii iyo wadiniyadii.
Waa inay ku daydaan fanaanta Soomaaliyeed Keynaan waayo waa geesi  fanaan halyeey u soo baxay Soomaaliya, balse waxaa nasiib xumo ah kuwa fanaaniinta isku sheegaya ee markasta calamada(Qabiil land) mooro Qabiileedka iyo xafladaha taariikhda madoow ee dalka lagu kale jarayo ka heesaya ee aan ku aragno London.
Qormadayda waxaan ku soo gabagabaynayaa Halyeey Keynaan waa geesi wadani ah oo muujiyay wax ka duwan Soomaalida maanta aynaan ku arag, jiilka cusubna tusaale wanaagsan u ah .
Sida wiil yar  oo Soomaali ah kuna dhashay Qurbaha waligiis arkin dalka Soomaaliya jirana 20 sano  oo aan ka wada shaqayno xafiis ku yaal London ayaa iga sheekeeyay sida ugu faraxsan yahay  fanaanka Keynaan, waxaan ku soo dhax arkey maanta Treinka  sadax gabdhood oo Jamacain ah oo ku heesaya Waves Flag,  maanta ka hor Somali dhalinyaradeeda  Qurbajoogta waxay ku dayan jireen fanaaniinta kale ee Madoowga ah heesa laakinse maanta in wiil Soomaaliyeed hees u qaaday aan arko dadkii aan ku dayan jirnay oo ku dayana Keynaan  Cabdi Warsame waxay i tahay maalin farxadeed ayuu igu yiri Ahmed Ibraahim isagoo qoslaya. Keynaan waxaan u rajaynayaa guul iyo horumar insha Allah.
W/D: Yusuf Yusuf
[email protected]
London

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: