Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed

SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA GOBOLLADA KOONFUR-GALBEED

Baydhabo (Bartamaha) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, oo galay wajigiisii saddexaad.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, wakiillada beesha caalamka u jooga Somalia, ergo ka kala socda saddexda gobol ee uu maamulku ka kooban yahay iyo marti-sharaf kale.

Salaadiinta saddexda gobol oo shirka hadal ka jeediyay waxaa ay sheegen inay aad ugu faraxsan yihiin in la gaaray waqtigii la dhisi lahaa maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ee dalka.

Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bisha November ay magaalada Copenhagen ku qaban doonaan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dhaqaalaha ku baxaya shirka inta uu socda, ayna soo dhaweynayaan qodobada ka soo baxa shirka ee ku aadan dhismaha Maamulka koonfur Galbeed ee dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu horeyn u mahadceliyay odoyaasha dhaqanka doorka ay ku lahaayeen in maanta la furo shirka dhisidda maamul u sameynta bulshada degta gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, isagoo dowladda iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan wadahal siinta Maamulka KMG ah ee Jubba iyo mas’uuliyiinta maamulka koonfur galbeed ee la dhisayo.

Ugu dambeyna,madaxweyne Xasan ayaa ku ammaanay odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamada ee shirka sida ay ugu dhabar-adeygeen ka miro-dhallinta shirka oo haatan maraya wajigiisii ugu dambeeyay.

Wuxuu ugu baaqay ka qeyb-galayaasha shirka oo isugu jiray xildhibaanno, wasiirro, odayaal dhaqameed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan in horey loogu sii ambaqaado nabadda iyo horumarka.

Wuxuu kula dardaarmay ergada mataleysa saddexda gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose sidii ay uga fakari lahaayeen mustaqbalka iyo aayaha shacabka ku nool gobolladaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa saaka gaaray magaalada Baydhabo si uu u furo shirka.

Shirkan lugu dhisayo maamulka koonfur-galbeen waxaa ka soo qayb-galay 380-ergo oo ka kala socda gobollada kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kuwaasoo inta uu shirku socdo meel-marin doona dhismaha maamulka Koonfur-galbeed iyo doorashada hoggaanka maamulkaas.

Daawo Sawirada:

shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 2 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 3 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 4 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 5 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 6 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 7 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 8 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 9 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 10 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 11 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 12 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 13 shirka maamul u sameynta Koonfur galbeed 14

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: