Calendar

Mudanayaash Barlamaanka KMG oo maanta meel mariyay qodobo ku saabsan qaxootiga Soomaaliyeed

Waxaa maanta Xarunta golaha shacabka ee Maagalada Muqdisho ka dhacay kulan xasaasi ah ku yeesheen Mudanayaasha barlamanka Soomaaliyeed,iyadoona kulanka maanta looga doodayay  qodobada meel marinta hishiiskii lagu soo gaaray dalka Ghana kaasi oo ahaa in qaxootiga Soomaaliyeed uu u helo xuquuq ay kaga talabi karaan wadamada Ku yaala Qaaradda Afrika.

Kulankani maanta ayaa waxaa  shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamanka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey,iyadoona tirada mudanayasha ka soo qayb galay shirka ay kor u dhaafeysay 265 xildhibaan,kuwaasi oo si weyn ugu dooday meel marinta qodobka laga doodayay.

Inkastoo uu kulankaani qaatay saacado haddane waxaa ugu dambeyntii sidii la filayay ay mudanayaasha Barlamaanka  ansixiyeen meelmarinta qodobadii lagu soo saxiiyay Magaalada Accra ee Caasimadda dalka Ghana,kuwaasi ay ugu muhiimsanaayeen  in qaxootiga Soomaaliyeed uu u helo xuquuq ay kaga talaabi karaan wadamada Ku yaala Qaaradda Afrika.

Xildhibaan C/raxmaan janaqow oo ka mid ahaa mudanayaashii maanta ka qayb galay fadhiga ayaa halkaasi ka hadlay,isagoona sheegay inay arin wanaagsan tahay in laga doodo qodobkaani  ku aadan Xuquuqda ay yeelan karaan Barkaacyaasha Afrika,balse waxuu sheegay inaan lagu dag dagin meel marintiisa,isla markaana loo baahanyahay in la badiyo kulamda looga doodayo qodobkaani.
 Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xildhibaano badan sida Xildhibaan Cawad Axmed Cashara,kaasi oo sheegay inuu taagersanayahay meelmarinta qodobkaani.

Ugu dambeyn waxaa xildhibaanadii soo xaadirtay kulanka laga qaaday cod baxin,iyadoona ay ansaxint qodobkaani  taageertay 276 xildhibaan,halka 2-Xildhibaan ay ka gaabsadeen qodobada maanta la ansixiyay.

Si kastaba kulankaani maanta ay yeesheyn mudanayaasha barlamaanka ee looga doodayay arimaha qaxootiga ayaa ku so beegmaya xilli maalmahii dhawaa ay bateen qaxootiga soomaliyeed ee qaxaya dalka iyo dibadba sida gudaha Soomaaliya iyo dalka Liibiya,iyadoona la sheegayo in qodobkaani uu wax ka tari doono arimha qaxootiga soomaliyeed.

 www.Bartamaha.Com1484

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: