Calendar

Qarax Bambaano oo xalay lagu weeraray Ciidamada Islaamiyiinta Magaalada Kismaayo.

ksimBartamaha(Muqdisho):-Xalay fiidnimadii hore ayaa gudaha magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay Qarax Bambaano kaasi oo lagu tuuray ciidamada Islaamiyiinta Kismaayo oo ku sugnaa xiligaasi Buundada Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ahaa bamka nuuca gacanta laga gama ah kaasi ayaa la sheegay in uu ku dhacay goob aan ka fogay ciidamada Islaamiyiinta oo ku sugnaa aargada Magaalada Gudaheeda kuwaasi oo xilgaasi baaritaan ku hayay gaari marayay halkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay askari ka mid ah Ciidamada Loogu yeero Magaca Xizbada kuwaasi oo ahaa ragii lagu tuuray qaraxa dhacay iyadoo rasasaas ay fureen ciidamadaasi uu dhaawac ka soo gaaray ruux rayid ah oo marayay agagaarka goobta la weeraray.

Afhayeenka Kooxda Islaamiyiinta Sheekh Xasan Yacquub ayaa shaaca ka qaaday in uu falkaasi qaraxa dhacay balse uu sheegay in aanay goobtaasi daganayn ciidamada kooxdooda isagoo si kulul u beeniyay in weerarkaasi ay rag kaga waxyeeloobeen.

Sheekh Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaano welli ay ku hayaan qaabka falka uu u dhacay isagoo sheegay in ay xaaldu haatan tahay mid aad u dagan isla markaasina ay ciidamadooda goobta qaraxa ka dhacay ay gaareen taasi oo sheegay in aanay wax dhibaata ah haatan ka jirin kismaayo.

Dadka magaalada Kismaayo aya saaka isweydiinaya falkii qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo kaasi oo ahaa qaraxii ugu horeeyay ee si bareer ah loogu weeraro ciidamada Ammaanka Islaamiyiinta Kismaayo.

Xafiiska Wararka Somaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: