Calendar

Shirka Wadatashiga ee ka socda magaaladda muqdisho oo maanta la soo gabagabeynaayo

222Muqdisho (www.Bartamaha.com) Waxa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka loo bixiyay wadatashiga ee ka socda magaaladda muqdisho, kaa oo ay ka qayb galayaan dhinacyadda isku haya siyaasadda Soomaalida e QM iyo beesha caalamka.

Shirka ayaa maanta la filayaa in warbixino looga dhageesto gudiyadii shaley la magacabaay oo kala ahaa Amaanka, Dib u heshiishiinta, Maamul wanaaga iyo Dastuurka.

Shirka ilaa hadda ma furmin laakin waxa socda in ay ku qul qulaayaan dhamaan ergadda ka qayb galeysa.

Shirka ayaa la filayaa in uu gabagabadiisa ka soo baxo war saxaafadeed looga hadlaayo arrimihii lagu soo qaatay.

Wixii ku soo kordha waxa aad daqiiqad kasta aan idiikugu soo gubi doonaa wararkeena Soo socda.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: