Calendar

Soomaali Laga sii Daayay Xabsiga Mandheera iyo Dowladda FKMG Oo Howl gallo ka Fulisay Beled xaawo

Soomaali lag sii daayay MAndheeraBartamaha:Inkabadan 20 ruux oo Soomaaliya ah ayaa laga sii daayay xabsiyada Magaalaad Madheere Ee dalka Kenya kadib markii Odayaasha Magaalada Beled xaawo ay sameyeen dadaalo ku aada  sidii Soomaalida xabsiyada loogu sii dayn lahaa taasoo markii danbe ku guulesteen.

Soomaalida Xabsiga Magaalada Mandheere laga sii daayay ayaa markii hore laga qabqabtay Xadka u dhaxyeeya Degmada Beled Xaawo iyo Magaalada Mandheere taasoo loogu shakiyay inay wax ka wadeen Dagaaladii Beled xaawo Shabaabka looga saary.

Ciidanka ammaanka magaalada Mandheera ee dalka Kenya ayaa dadkani Soomaalida ah markii hore kasoo qabqabteen Xadka Beled Xaawo iyo Magalaad Mandheere oo Maalimihii lasoo dhaafay ka qarxay Dagaalo aad u xoogan iyagoo haatan Ciidmada Kenya ay albaabka Xabsiga ah kasii daayeen Soomaali gaaryso 21 ruux.

Sii dayntani aya waxaa qeyb lixaad ah ka qaatay Odoyaasha Degmada Beled Xawo Ee Gobolka Gedo oo kulamo ldhoor ah a qaatay Hay’adaha amaanka Dalka Kenya waxayna Odayasha balan qaadayn in Soomaalida xabsiyada laga sii daayay ay ku laabn doonaan degaanadii ay markii hore ka yimaadeen.

Dhanka kale Waxaa saakay Degmaad Beled xawo laga dareemayaa howlgalo ay wadaan Cidimada Dowladda FKMG Soomaaliya iyo Kuwu Ahlusunna waljameeca oo isku dhinac ah.

Howlgaladani ayaa ka danbesay kadib markii xalay Meeesjiyaad ka tisran Shabaab ay Madaafiic xalay ku garaacayn qeybo ka mid ah Deegaanada Gobolka Gedo Ee Magaalaad Beled xaawo.

Ciidamada Ahlusna Waljameeca ayaa howlagaladani ku soo qabqatay dad looga shakiyay inay ku lug lahaayeen Shabaabka kadibna ay sii daayeen markii ay ku waayeen wax danbi ah.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: