Calendar

WARBIXIN: Shirkii Kenya iyo wixii ka soo baxay

DSCI0084

Shir loogu magacdaray wada tashi oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska siyaasada QM ee UNPOS loogana hadlaayay arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay magaalada Nairobi.

Shirka waxaa ka qeyb galay hogaamiyayaasha qaar ka mid ah maamul goboleedyada, ururka ASWJ oo 3 garab loo kala marti qaaday, madax ka kala socotay hay’adaha iyo waddamada arrimaha Soomaaliya daneeya, oo goob joogayaal ka ahaa shirka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee Kenya sida Qunsul Maxamed Cusmaan Edsom oo aan shirka lagu casuumin.

Casuumaadii xukuumadda iyo moqifkii rajada:

Ugu horreynba ergeyga u qaabilsan xoghayaha guud ee QM Soomaaliya Augostine Mhiga waxa uu casuumaad u fidiyay xukuumadda FKMG ah, isaga oo u sheegay in laga tashanayo aayaha dowladda Soomaaliya, taas oo kicisay carada xukuumadda oo ku jawaabtay in aan talada dalka iyo dadka aysan cid aan Soomaali ahayn la wadaagi doonin.

Waxaa go’aanka xukuumadda taageeray madaxweynaha dalka mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo bogaadiyay go’aanka ay wadaniyadda ku dheehan tahay oo uu Ra’iisulwasaarahu ku dhawaaqay.

Danjire Mhiga iyo xafiiska siyaasada UNPOS ayaa dib iskugu laabtay waxa ayna shirka dib u dhigeen lix maalin oo kale oo ku ekayd 12ka April, si ay u raajiciyaan bal in ay xukuumadda dib uga laabato go’aankeedii, balse ugu dambeyntii waxaa casuumaaddi aqbalay guddoonka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shirka ka joogay Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

Dhanka ASWJ oo ahaa urur horay dowladda ugu biiray, kana mid noqday kadib heshiiskii Addis ababa, ee mideeyay dowlada Soomaaliya iyo ururka ASWJ, waxaa laga casuumay sadex qeybood oo kala ah:

1-ASWJ gobolka Banaadir.

2- ASWJ gobollada dhexe.

3- ASWJ gobollada koofureed.

Waxaa kale oo casuumaad helay maamulka Galmudug oo laba labeyn kadib aqblay in ay ka soo qeyb galaan shirka, halka Punland oo in muddo ah ku doodeysay in laga qeyb geliyo shirarka Soomaaliya loo qabanayo ay fursad u aragtay.

Gobollada Woqooyi Galbeed ama maamulka Somaliland ayaa isna gebi ahaanba shirkaan gaashaanka u daruuray, waxa ayna sheegeen in ciddii dooneysa in ay la hadasho ay dhulkooda ugu timaado.

Dhanka beesha caalamka taageero badan kama helin shirka, maadaama aysan xukuumada KMG ah xaadir ku ahayn, waxaana la arkayay miisas fara badan oo dowlado magacyadood lagu dul qoray, balse faaruq ah ama ay fadhiyaan xildhibaano Nairobi sal dhigtay.

Talooyinkii la soo bandhigay iyo kuwii la aqriyay:

Sida qaar ka mid ah xubnihii ASWJ u matalayay shirka ay sheegeen, waxaa gebi ahaanba meel la iska dhigay talooyinkii ay soo jeediyeen dhinacyada Soomaalida ah, waxaana isku mar warbaahinta iyo ka qeyb galayaasha ay wada maqleen codka Danjire Mhiga oo isagu aqriyay qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

- In mudo laba sano ah loo kordhiyo guddoonka iyo xubhana baarlamaankaba, ayna diyaarinaan doorasho bisha 8aad.

- In bisha 8aad la doorto madaxweyne kadibna uu soo magacaabo wasiirka koowaad si uu isna u soo dhiso gole wasiirro.

- In ASWJ meel la iskugu keeno hal guddoonna loo sameeyo sidaasna ay siyaasadda uga qeyb qaataan.

Kala jabka ASWJ:

Inta aysan soo bixin qodobadii la isla arkay oo ay ku jirtay in la mideeyo ASWJ ayaa waxaa saxaafadda la hadlay  Shiikh Maxamed Shiikh Abuukar (Shiikh Soomoow) oo ah afhayeenka golaha sare ee ASWJ, oo saxaafadda u sheegay in shirku fashilmay, kaddib markii la qaadan waayay aragtiyadooda, ergayga Qaramada Midoobayna uu talooyin jeebkiisa ah soo bandhigay.

Aragtida shacabka:

Waxaa mudaharaadyo ka dhaceen inta badan gobolada dalka, waxaana iskuugu soo baxay kumanaan muwaadiniin ah oo diidan shirka, sidoo kale waxa ay booliska Kenya ka hor tageen mudaharaad qorsheysnaa oo ay jaaliyada Soomaalida Kenya ay doonayeen in ay ka hor dhigaan albaabka Hotelka uu shirka ka dhacayay ee Wedson Hotel.

Aqoonyahanada ayaa iyana shirkaasi ku tilmaamay mid lagu maja xaabinayo dowlada Soomaaliya, waxa ayna cambaareeyeen masuuliyiinta ka qeyb galay.

Jaaliyadaha Soomaalida ee Yurub, Woqooyiga Ameerika iyo Carabaha ayaa iyana dareen isku mid ah ka muujiyay qabashada shir noocaan ah.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu dumiyaa shirar loogu magacdaro wada tashi iyo dib u heshiisiin, balse looga dan leeyahay in lagu dumiyo wax qabadkooda si mar walba koow iyo Alif looga soo billaabo, waxaana hagardaamadii u horeysay oo ay fashiliyaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkooda wax u soo bartay.

___

Radio Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: