Calendar

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada Soomaaliya

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada
IMG_031401.03.2011———Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha Wasiirada ee Xukuumada iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Shirkan ayaa looga dooday marxaladda nabadgelyada dalka iyadoo ugu horeyntiina uu Ra’iisul Wasaaruhu golaha Wasiirada ka siiyay warbixin guud isagoo sheegay in howlihii la xiriiray soo celinta amniga guud ee dalka ay meel wanaagsan marayaan isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay ururada bulshada sida Culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinayrada iyo qeybaha kale ee ay ka kooban tahay bulshadu inay ciidamada xooga dalka la garab taagan yihiin taakuleyn hiil iyo hooba leh.

Dood dheer oo ay golaha wasiiradu ka yeesheen marxaladda amniga ee dalka waxay isla meel dhigeen in lagu dhaqaaqo fulintooda qodobada soo socda oo ah qorshaha Nabad soo celinta bisha Maarso 2011.

1. Xukuumada Federaalka KMG ahi iyadoo la kaashaneysa caalamka in maraakiibta, doonyaha iyo gaadiidka kale ee dulka ee u sida badeeco nooc kasta ha ahaatee Khawaarijta Shabaab ee argagixisada ah in lala wareego, lana xiro dekeddaha Kismaayo, Baraawe, Marka iyo kuwa la midka ah.

2. In Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay u aqoonsatay kooxda Khawaarijta shabaab inay yihiin urur Argagixiso Caalami ah. Horjoogayaashooduna ay ka mid yihiin liiska Argagixisada caalamiga ah ee adduunku uu baadi goobayo.

3. In wadaniyiinta shacbiga Soomaaliyeed dibadda iyo gudaha ku nool ay qaataan xilkooda kaga aadan taakuleynta iyo horumarinta nabad soo celinta dalka hooyo iyo abaaraha.

4. In warbaahinta gudaha iyo dibadda ay dowrkeeda ka qaadataan nabad soo celinta dalka.

5. In dhalinyarada la marin habaabiyay ee u dagaalanta kooxda Khawaarijta ee Shabaab in loo fidiyo cafis guud tan iyo bisha March 30-keeda, kuwii ka soo baxana in gacmo furan lagu soo dhoweyn doono iyagoo lagu gacan qaban doono horumarka mustaqbalkooda iyo sidii ay ku gaari lahaayeen nolol wanaagsan.

Xafiiska afhayeenka Xukuumada
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon
[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , .
« »

Comment: