Calendar

Warsaxafadeed oo maanta ay soo sareen ururka islaamiga al islaax ayaa si cad Ugu soo horjestay hishiiskii kambala .

al-islaax 1IslaaxKadib kulan ay maanta isugu yimadeen xubnaha ururka islaamiga ah ee al Islaax Ayaa waxaa loga hadlay arrimo fara badan  waxaa ka mid ahaa .

Hishiiskii ay Madaxda sarsare ee dalka ku gaareyn magaalada kambala. Dibad Baxyadii ka socday magaalada muqdisho  iyo khilaafaadka u dhaxeeya Madaxda dalka.

Uruka islaamiga ee al islaax ayaa sheegay inaysan maslaxada dalka ay ku Jirin Hishiiskii ka dhacay magaalada kambala warsaxafadeedka ayaa waxa Uu u qornaa Sida tan .

 Ururka al islaax wuxuu u soo jeedinaa madaxda dalka waxgaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

1-In la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka soomaaliyeed kasoo awalba la il Darnaa colaado,abaaro iyo masiibooyin kale.

2-In madaxda dowlada ay maqasho una dheg raariciso cabashada Dadweynaha iyo Codka dibadbaxayaasha kuwaasoo muujiyay sida ay u Diidan yihiin heshiiskas.

 3-In marwaliba ay noqto talada soomaaliyeed mid gacanta ugu Jirtawaxgaradka.Dhaqanka.culimmada iyo shacabka soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii ururku wuxuu cadeynayaa sida weyn ee uu ugu soo horjeedo Hishiskii kambala. Wuxuuna xal u arkaa;

1-In muddosanad ah loo kordhiyo dhamaan hey’adaha dowladda sida Madaxweynaha. Barlamaanka. Iyo xukuumadda .

2-In xukuumadda oo ah mid hawlo wanaagsan qabatay loo daayo inay shaqadooda inta ka dhiman ku dhamaystirtaan muddadaas sanadka ah.

3-In hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay la yimaadaan wada shaqeyn Kana fogaadaan khilaafka ragaadiyay. Sheikh cusmaan ibraahim axmed Gudoomiyaha ururka al islaax ayaa ku saxiixnaa……….

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: