Calendar

Weerar Culus oo xalay lagu qaaday Fariisinadsa Ciidamada Amisom Ee Kuliyadii hore Jaale Siyaad.

aaBartamaha(Muqdisho):-Kooxaha dowlada Fd soomaaliya ka soo horjeeda ayaa xalay weerar culus waxa ay ku qaadeen fariisinadsa Ciidamada Amisom ee Kuliyadii hore Jaale Siyaad halkaasi oo ay weerareen xilli danbe oo xalay ah.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa xalay waxaa kooxaha Mucaaradka ay ka soo weerareen Fariisinka Amisom Jihooyinka iyo wadooyin kala duwan taasi oo dagaal culus ka dhigtay goobtaasi rasaastii ka bilaabatay.

Dhawaqa Madaafiicda ayaa inta badan magaalada laga maqlayay taasi oo ay isweydaarsanayeen Ciidamada Amisom iyo xoogaga ka soo hor’jeeda kuwaasi oo weerarka xalay dhacay dhankooda soo qaaday.

Tiro Madaafiic ah ayaa ku habsatay deegaanada dadka rayidka ah ay ku noolaayeen oo aan ka fogayn fariisinka Ciidamada AMISOM iyadoo madaafiic ay ku dhacday guryaha dadka ay daganyihiin ee deegaanka Raadeerka Degmada Dayniile Ee Muqdisho.

Qasaaraha Dhimashada ah ee weerarkii xalay uu u geestay dadka rayidka ah ayaa gaaraya ilaa 5-ruux oo ku geeroyootay rasaasta iyo Madaafiicda ku dhacayay goobaha rayidka ay daganyihiin iyadoo dhaawacyada ay ka badanyihiin 10-ruuxo oo kale o banadaa ay yihiin shacabka deegaanka dagaalka uu ka qarxay.

Inta badan xoohgaga Mucaaradka ayaa maalmahan ku mashqulsanaa dagaalada ay la galayeen Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya iyadoo uu weerarkan ku soo aadayo xilli Magaalada Muqdisho ay ka yara dagantahay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: