Calendar

Xaflad lagu taageerayey Maamulka Raascaseyr State of Somalia oo lagu qabtay London

raascaseyr

Waxaa Magaalada London lagu qabtay xaflad si weyn loo soo agaasimay taasoo lagu taageeraayo Maamul Goboleedka Raascasayr State Of Somalia,oo dhawaan lagu dhisay magaalada Caluula.

Xafladan Waxaa soo qabanqaabiyay jaaliyada Raascasayr  State ee UK.

Barnaamijka xaflada waxaa daadihinaayay Maxamed Shire oo ka ahaa xiriiriyaha Xaflada,ugu horeyntii waxaa barnaamijka daaha looga furey aayadaha quraanka kariimka,waxaana quraanka akhriyay wiil aad u da,yar Zayn Cabdicasiis Zayn.

M Shire raascaseyr

Intaas ka dib waxaa laguda galay barnaamijka qaybihiisa kale,waxaa ugu horeyntii mic lagu soo dahweeyay  Bahsiir xaaji Yuusuf oo ka mid ah xubnaha sar sare ee raascasayr state kuna hadlay magaca dhalinta Raascasayr,wuxuu ka warama waxqabadkooda iyo waxa damacsanyihiin in ay qabtaan wuxuu sheegay in ay taageersanyihiin maamulkooda raascasayr state,wuxuu halkaas kazoo jeediyay Gabay  uu ugu talagalay xaflada. Filo Khudbada Bashiir Yuusuf oo Muuqaala.

Waxaa isagana mic lagu soo dhaweeyay  suldaan cilmi oo u hadlaayay isimada Gobolka Banaadir Gaar ahaan Beesha Hawiye,cilmi ayaa sheegay inuusan waligiis tagin raascasayr laakiinse uu dhagta ka maqlay magaca raascasayr,wuxuu kaloo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay maamulka raascsayr state of Somalia una hambelyeynaayo  maamulka iyo shacabka raascasayr dhamaantood.

Cilmi ayaa sheegay in uu yahay nin aad u nasiib badan mar haduu rascsayr state tagaayo dhulkaas oo dawlad ah wuxuu intaas ku daray uguna baaqay bulshada soomaliyeed iyo dawlada Somalia  in ay garab istaagaan Maamulka Raascsayr State.

suldan raascaseyr

Intaas kadib waxaa isagana mic lagu soo dhaweeyay Marti sharaftii ka socotay Maamulka Hiiraan State waxaana u hadlay suldaan khaliif wuxuu si weyn u taageeray maamulka raascasayr state.

Waxaa isagana hadalkii qaatay Afhayeenka Maamul Goboleedka Jubaland  Mudane axmed xasan Cabdi. Wuxuu si buuxda usoo dhaweeyay maamulka raascasayr.

raascaseyr 2

 

Intaas ka dib waxaa lagu nastay Buraanbur ay tirisay abwaanad Abshiro Maxamed Aadan yadoo Ku sugan Degmada Baargaal,Waxaa mic lagu soo dhaweeyay Muxubo Cismaan oo ku hadlaysay Magaca Haweenka Raascasayr State,Waxaa isagana lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha  Suldaan Cabdiqaadir Ciise axmed oo ah afhayeenka isimada Somalia ee UK.

Waxaa isagana xaflada ka hadlay madaxa Ssc ee Uk Cabdi daarood,wuxuu si weyn usoo dhaweeyay Maamulka Raascasayr State,isagoo sheegay in ay yihiin laba maamul oo wada dhashay.

raascaseyr 3

Marti sharaf ka socotay Maamulka Awdal State ayaa iyagana ka hadlay xaflada waxaana uu hadlay Afhayeenka Maamul Goboleedka Awdal State Mudane Faysal.

Waxaa iyagana meesha ka hadlay Maamul Goboleedyo badan oo si isku mid ah u taagaarey Maamulka Raascasayr State waxaa maamuladaas ka mid ahaa,Mareeg State,Azania,Puntland and Somaliland.

awdal state

 

Intaas ka dib waxaa lagu nastay Buraanbur Wadani ah oo ay buraanburtay Abwaanad Ruun Maxamuud yuusuf.

Filo Dhawaan Buraanburka Ruun.

Waxaa kaloo Xaflada ka hadlay Mr Xandule oo ka mid ah jaaliyada raascasayr state ee ku nool dalka Swedan,wuxuu magaalada London u yimi si uu  uga qaybqaato xaflada lagu taageeraayo Maamulka Raascasayr State wuxuu sheegay in ay taageersanyihiin Maamulkooda Raascasayr ayna garab istaagayaan Hiil iyo hoob.

Filo Khudbada Madaxwayne K/X  Raascasayr State Dr Barre Faatax.

Haddii aad u baahan tahay in aad dhageysato Codadka dadkii halkaasi ka hadlay iyo  faahfaahin intaasi dheer kala soco Shabakada Afka dheer ee Raascasayrmedia.com  hadana sii akhris links-ka hoose:—-

http://www.raascasayrmedia.com/?p=976

London

Raascasayrmedia.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: