Sunday, March 22, 2015

Qaar kamid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho oo ka cabanaya shaqo joojin lagu sameeyey

Muqdisho(Bartamaha)  Qaar kamid ah shaqaalaha Muruq maalatada ah ee ka xoogsada Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka cabanaya shaqo joojin lagu sameeyey. Shaqaalahan cabanaya ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iney shaqada ka saareen waxayna sheegeen in boosaskooda dad kale lagu bedelay. Shaqaalahan laga […]

dekedda ani

dekedda aniMuqdisho(Bartamaha)  Qaar kamid ah shaqaalaha Muruq maalatada ah ee ka xoogsada Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka cabanaya shaqo joojin lagu sameeyey.

Shaqaalahan cabanaya ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah masuuliyiinta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iney shaqada ka saareen waxayna sheegeen in boosaskooda dad kale lagu bedelay.

Shaqaalahan laga joojiyey shaqooyinkii ay ka qaban jireen Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya  ayaa sheegay iney lasoo daristay xaalad nololeed oo adag,waxayna ku cawdeen in laga soo saaray guryihii ay daganaayeen isla markaane carruurtooda laga soo eryay iskuuladii waxbarashada.

Shaqaalahan ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya iney arinkooda wax ka qabato isla markaane dib loogu celiyo shaqooyinkooda,Muruqmaalatadan ayaa tilmaamay iney haystaan waraaqo caddaynaya iney Dekedda ka shaqaynayeen mudo dheer,waxayna sheegeen iney haystaan Aqoonsiyo ay siisay dowladii Maxamed Siyaad Barre iyo dowladihii ka danbeeyey

Shaqaalaha cabanaya ayaa sheegay  in markii ay la socodsiiyeen Maareeyaha dhibaatada haysata uu ugu jawaabay iney ka dacwoodaan meeshii ay doonaan

 

Comments

comments

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc