Calendar

adaxweyne Sh Shariif oo la kulmay gudiyo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya

shariifWar -Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay gudiyo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha  oo hadal ujeediyay xildhibaanada ayaa ugu horeyn mudanayaasha Baarlamaanka uga warramay  horumarkii Ciidaanka Doowlada iyo kuwa AMISOM  ay ka sameeyeen hawl-galada sugidda amaanka ee maalmihii la soo dhaafay, waxaa kale oo Madaxweynuhu ku boorriyey in xildhibaanadu ay ka qayb qataan howlaha taakulaynta ee amniga lagu sugayo.

Madaxweyaha oo soo hadal qaday xiliga kala guurka ayaa sheegey in ay isku  soo aadeen dadaalada dhinaca aminiga ah ee doowladu wado iyo kala aragti duwanaasho siyaasadeed isaga  oo fahfaahiyay dhowr qodob,Madaxweynaha ayaa sheegey qaabka looga gudbi karo marxalada kala guurka ah, isagoo sheegay in xiliga kala guurka looga gudbi karo in si wadajir ah u wada shaqeeyaan hay’adaha dastuuriga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mude Sh. Shariif  Sh. Axmed ayaa sidoo kale kahadlay go’aankii dhawaan uu kucelayay baarlamaanka ee laxiriiray muda kordhinta iyo jawaabtii uu ka bixiyay guddoomiyaha barlamaanka isaga oo sheegay in ay tahay arinkaa in ay ka fariistaan Baarlamanka.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa ugu danbeyntii u sheegay in loo baahanyahay doowladu in ay  tashato talo midaysanna ay ka gaaraan xaaladda gala guur ah iyo sida loo wajahay marxalada soo socota.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: