Calendar

Alshabaab oo dib ula wareegtay Deegaanka Dhoobley ee Gobolka J/hoose.

alshabaab-logo11

Bartamaha(Dhoobley):- Ciidamada alshabaab ee jubooyinka ayaa saaka dib ula wareegay deegaanka dhoobley kadib markii ay xalay saqdii dhexe isaga baxeen magaaladaasi ciidamadii ururka xizul islaam garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed madoobe oo shalay gelinkii danbe dagaal kulul kadib halkaasi qabsaday.

Xoogagii katirsanaa xizbul islaam ee shalay qabsaday deegaankaasi dhoobley ayaa lagu soo warmayaa in ay halkaasi isaga huleeleen xalay saqdii dhexe iyadoo aan la ogeyn sababta ay uga baxeen, iyo weliba halka ay qabteen.

Waxaa saaka deegaankaasi dhoobley soo gaaray ciidamadama xogaga alshabaab oo  aad u hubeysan islamarkaana  wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, iyagoo durbadiba isku fidiyay goobihii muhiimka ahaa ee ay magaaladu lahayd sida stationka magaaladaasiyo iyo weliba saldhigyada ku yaal daafaha magaalada dhoobley ee gobolka j/hoose.

Sikastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Deegaanka Dhoobley ayaa waxa ay cabsi ballaaran ka muujinayaan xaalada deegaankaasi dhoobley maadaama ciidamadii ka tirsanaa xizbul islaam ee shalay qabsaday magaalada aan la ogeyn halka ay aadeen iyadoo xiligani deegaanka dhoobley ay ka jirto cabsi dagaal iyo weliba dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay Deegaankaasi Dhoobley.

 

Warar xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: