Calendar

Baaq ku wajahan dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu soo saarey Ururka Samafalka Caawiye Foundation Trust.

4a9fcea96
Bartamaha (London):
-Ururka samafalka Caawiye Foundation Trust wuxuu umada soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kasta oo ay aduunka ka joogaan in dadka dhibaateysan ee soomaaliyeed oo uu ku habsaday dagaalada Sokeeye ee aan dhamaad lahayn kuna nool gudaha dalka soomaaliya loo gargaaro, sida aad dhamaan la socotaan waxaa shacabka soomaaliyeed soo gaartay dhibaato aan dhamaad lahayn iyadoo walibana ay hadeer dhibaatadaasi aad iyo aad ugu sii badatay.
Hadii aan soo koobno dhibaatooyinka iyo meelaha ay ka jiraan Marka hore dhibaatooyinkaasi waxay ka jiraan inta badan koonfurta Soomaaliya laga bilaabo Gaalkacyo Gobolka Galgaduud, Gobolka Hiiraan ilaa Shabeelaha dhexe Banaadir Shabeelaha hoose Bay iyo Bokool iyo dhamaan Jubooyinka Hoose iyo dhexe, Meelaha aan ka tagnay ee Soomaaliya ma ahan ineysan dhibaato ka jirin balse dhibaatooyinkaasi waxaan u deyneynaa iney xaliyaan Dowladaha ka jira meelahaasi ee Puntlan iyo Soomaaliland, balse kuwan aan dhibaatooyinka ku soo koobnay waa kuwa uusan Ceelna u qodneyn cidina u maqneyn.
Dhibaatooyinka qaarkood waxaa ka mid ah dadweynaha danyarta ahi iney kuwii dushooda ku xamaalanayey aysan heysan meel ay ka xamaashaan, Ciyaalka Kabaha caseeyana aysan jirin cid ay kabaha u caseeyaan, Kuwii iyagu ku noolaa tuugsigana aysan jirin meel ay ka tuugsadaan, intaasi oo dhamina ay ugu darsantay Caafimaad daro iyo waliba iyadoo aysan garaneyn meel ay daawo u raadsadaan, waxbarasho la’aan iyo dhibaatooyin kale oo aan halkaani ku soo koobi Karin ayna u dheer tahay qax iyo dagaalo aan dhamaad lahayn.
Waxaan dhamaan umada soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay dadkaasi uga tegin dhibaatada heysata oo ay caawiyaan waxaana idin balan qaadeynaa in aan u gaarsiin doono sida ugu fudud oo loo gaarsiin karo iyadoo waliba aan iskudayeyno ineysan wax dhibaato ahi ka soo gaarin anaga gaarsiineyna iyo cida la gaarsiinayo, Insha allah.

Fiiro Gaar ah: – Fadlan la soo xiriir Caawiye Foundation Trust
Abdullahi O. Adow (Fooldheere)

[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: