read more »">

Calendar

Amaanka Mogadishu oo la adkeenayo

Howl-gal lagu sugayo amniga Mogadishu ayaa ka socday guud ahaan magaaladda, iyadoona ay jiraan shakiyo laga qabo in Al Shabaab ay fuliyaan weeraro Argagixiso.

Ciidamo badan oo dowladda ay leehdahay ayaa ka qeyb qaadanayo howl-galka, iyadoona la xirey wadoyin badan oo caasimadda ah, lana xanibey qaar kamid ah isku socodka gaadiidka ee wadooyinka waawayn.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire oo la hadlay warbaahinta waxa uu u sheegay in ciidamada ay sugayaan amaanka, si looga hor tago weeraro uu sheegay iney qorsheenayaan kooxda Al Shabaab.

“Mas’uuliyad baa naga saaran sugida ammaanka, ilaa xad waxaa isku dayeyna inaan shacabka ka bad baadino weerarada ay damacsan yihiin kooxaha nabad diidka, amarka sare ee howl galada waxaa leh madaxda dowladda” ayuu yiri Warsame Joodax oo ah gudoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir.

Waxa kale oo la baajiyey xaflado loogu dabaal dagi lahaa maalinta shaqaalaha aduunka, sababo amaanka awgeed, iyadoona ay maanta la shaaciyey iney fasaxan yihiin shaqaalaha rayidka ee dowladda.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: