Calendar

Askar Kenyan oo lagu diley Gaarisa

Saddex kamid ah military-ga wadanka Kenya ayaa la diley sida ay sheegayaan warar hada dhaw naga soo gaaray magalada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya.

Askarta dhimatey ayaa taagnaa meel ay wax ka sameysanayeen markii ay u yimadeen kooxaha dilka u geystey.

Askarta ayaa waxa lagu qaaday ayagoo dhaawac ah ka hor inta aysen dhimanin.

Askari la afduubtey

Xabado ayaa la isku weedarsaday agagaarka isbitaalka way nee waqooyi bari Kenya taas oo dhex maraysay ciidamada amaanka Kenya iyo kooxihii weerarka soo qaaday

Kooxaha weerarka soo qaday waxa kale oo la sheegayaa iney jirtey askari ay afduubtey, balse warkaasi si toos ah looma xaqiijin.

Ganacsiga magalada ayaa xirmay iyadoona dadka ay isku dayaan in tagaan meelo ay ku nabad galayaan.

Gaarisa ayaa waxa kusoo badanaya weerarada loo geysanayo Kinisadaha iyo askarta iyadoona maalmo ka hor ay aheed markii askar CID magalada dhex bartamaheeda lagu diley.

Nairobi, gaar ahaan xaafada ay Soomaalida sida wayn u dagan tahay ee Islii ayaa wax aka jira iyana qalalaaso iyadoona ay booliska ay isku dayayaan iney xaaladda ay kusoo celinayaan mid caadi ah.

 

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: