Calendar

Rabshadaha ka jira Xaafadda Islii

Tan iyo galinki danbe ee shalayto wax aka socda xaafada islii rabshado xoogan oo dhex marayo dad iska soo horjeeda iyo booliska oo doonaya inuu kala dhex galo.

Dad careysan oo u dhashey wadanka Kenya ayaa weerarayo xaafadda Islii halkaas oo Soomaalida ku leehyihiin gacansi aad u xoogan.

Inta la ogyahay qof Soomaali ayaa dhintey, waxana jiro dhaawacyo dhowr ah kuwaas oo siyaabo kala duwan dhibanayaasha usoo kala gaaray.

Dadka ayaa inta badan waxa ay ku jiraan guryahooda iyadoona melaha ganacsiyada la xir xirey ayadoo laga baqayo iney bililiqo ay dhacdo.

Dadka rabshadaha sameynayo ayaa waxa ay ka xanaaqsan yihiin qaraxyadii shalayto lala eegtay gaari kuwa dadka qaada oo joogey qeyb ka mid ah xaafada Islii halkaas oo qasaaro naf iyo maal ah ka dhacay.

Madaxa Booliska magalada Nairobi oo lagu magacaabo Moses Nyakwama ayaa u sheegay AFP iney isku dayaan sidii ay xaaladda ku qabooyin lahayeen.

Weerarada Bom-baano ee ka dhacayay wadanka Kenya sanadkii lasoo dhaafay waxa ay dowlada ku eedeynaysay kooxda Al shabaab iney lug ku leehdahay, balse dhinaca Al Shabaab ma aysen cadeyn in qaraxyada dhacay ay lug ku leehyihiin.

Balse Shabaab ayaa horey ugu goodiyey iney weerari doonaan Kenya hadii aysen ciidamadeeda kala aysen bixin wadanka Soomaaliya oo sanadii hore ay galeen.

Dadka gacansatadda ee dukaamada ku leh xaalafada Islii ayaa inoo sheegay iney jireen weeraro ay kusoo qaadeen dukaamadooda dadka Kenyan-ka ah balse ay ku sameyeen iska cabin.

Waxa jiro dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhalatey wadanka Kenya kuwaas oo horey weeraro noocaan ah oo kale oo lagu doonayay in lagu dhaco dukaamada Islii iska cabin uga sameysay.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: