Calendar

Asxaabu bululuq barwaa u taal “Baarlamaanka Somaliya” Maqaal xiiso badan.

xil4Bululuq waa magac  dad somali ahi ay ugu yeraan barlamaanka tirada badan oo tayada xun ee qayb ka mid ahba mar  carro qalaad lagu soo dhoodhoobay.

Bululuq wuxuu ka kooban yahay 550 ruux oo bililiqaysatay magacii ummada somaliyeed oo usan ku jirin mid, sida ay sheeganayaan, beel ama koox somali ah wakiil ah ama danaheeda wada.

Reer bululuq waxaa standard u ah in midba dalka iyo dadka dhiniciisa ka rifto sidii dugaag neef u baqtiyey.

Har iyo hameen  waxay dowlado shisheeye  iyo si-xun-u-nosha aduunka oo idil ku baryayaan oo ka  baayacaan khidmadooda  ayagoo oo weydinaya waxa ay uga baahan yihiin somaliya (haraa warshadeed ku meelayn, maraakiib la soo furto, is-hortaag so noqosho dowlonimo somaliyeed, fasaxyo gurasho khayraad dabiicigaah ee dalka iyo waxyaabo ka sii xun int aan kor kusheegnay badankood).

Tartankaa xaaraan ah haddana waa lagu kala dheerayaa oo waxaa horseed ka ah kuwo naaska qaranka nuugey (qaranku wax baray ) oo meeshay qaranka u mahad celin lahaayeen ka dhigtay aqoontii la siiyey tashilaat galaangal oo ay la hoosrooraan cadawga dalka iyo mafiyada caalamiga ah.Waxay ka dhigteen dalkii meel ay ka ugaarsadaan

Qolada galaangal la leh inta u guntatey dabandaabyada ummadda somaliyeed waxaa ku xiriirsan kuwo aad uga fogaan lahaa saaxada siyaasadeed,  aqooneed iyo tan ilbaxnimo marka xaaladu caadi tahay oo nidaam iyo sharci jiraan.

Khiyaamooyinka cadawga somaliyeed u soo dhiibo galaangalley waxaa lagu raraa oo bulshada si axmaqnimo ah  ugu dhex wareejiya kuwan dambe oo an kalaba garan waxsan iyo wax xun kuna dhakafaaray magacyo culus ook u cusub dhagahoodaba  oo lagu raray(xildhibaano) iyo xoolo xaraan ah oo la dhadhansiiyey  loona sheegay in loo badindoono hadday hawsha ka soo dhalaalaan.

Somali badankeed wuxuu qabaa in qoladan dambe oo ah kuwa ugu badan bululuq ay yihiin damaaciyiin lakiin ayna awoodooda garasho gaarsiisnayn karti qiimaayn karta waxa ka imaan kara moqifyada ay qaadanayaa iyo gufaacooyinka  sunta ah ee lagu jirrabayo in ay afkooda ka soo burraaqdaan.

Tusale:shirkii ugu dambeeyey  ee kooxda lagu magacaabo contact Group ay ugu qabatay somalida uganda, madaxweynaha dalkaasi  ayaa wuxuu ka soo jeediyey  in tgf-ka loo kordhiyo hal sano say u gabagabayso shaqada ay wado ee gulaysanaysa. Waxaa uga daba qaatay Museveni si kulul xil-ma- dhibaan ku adeeyey in u soo faragaliyey arrimaha somaliya wuxuuna ka dalbay in u degdeg uga cududaarto faragalintaas. Waxaa isweydiin leh in loo arki karo  wax garad ama ka wakiil shacbiga somaliyeed  ninka garan waayey in Musaveni askartiisu asaga iyo bululuq oo idilba  ku waardiyeyso xamar  amase haleeliwaayey in u garto sida shacbiga somaliyeed u soo dhaweeyey hadalka madaxweynahaa.

   Xil-ma- dhibaannada badankood garashadooda iyo dareenkooda mas’uuliyadeed waa sidaas iyo wax ka sii liita lakiin taaso ka badbaadin mayso in dhammaantood loo soo joojiyo dambiyada ka dhacaya somaliya.

Waxaa dad badani  is-dhihi karaan hadda maqaal qoruhu muxuu ka hadlayaa xil-ma- dhibaannadu ma dad bay laayeen kulligood?

Jawaabtu waxaa weeye in  xil-ma-dhibaannada qaarkood  dad toos u laayeen, qaarkood kalena sababeen in dad la laayo ayagoo ka soo horjeensanayey markasta  dariiq kasta oo nabadeed sida haddaba socota oo lagu badbaadinayo dilaayaalka Al-shaab.

Waxaa shuruucda madaniga ah iyo diiniguba ka siman in nin kasta ee dila ama sabab ula kac ah u noqda dhimashada dad an wax galabsan u mas’uul ka yahay dhimashada sida dhimashadaa caynkaas ah u mas’uul uga yahay xataa wariyaha dhiirri galiyaa laynta dadkaas ama nin kasta oo sahay siiyaa dadka wax laynaya. Waxa Hotel-lada marba bayaan-ku-sheega laga soo saarayo , lagu cunayaa qaadka joogtada ah  iyo cuntada maqaayadaha asian-ka  ee Nairobi waa dhiigga dhallaanka somaliyeed.Bishii  may oo kali ah waxaa la sheegay  in inta la ogyahay ay dagaal ku dhinteen 750 dhallin yaro ah. Yaa ka mas’uul ah dhimashadooda . Yaa leh waxaan u xilsaaranahay badbaadadooda ? ma danqayaan asxaabu bululuq !!! waxaa danqaya reer bululuq oo ayna hurdada ka ladi Karin u kala hiillinta laba Shariif !!!    

Waxaa addunka la wada ogyahay in dambiyada ka dhaca somalia oo kale:dumid colaadeed , sahay siinteeda , dhirrigalinteeda iyo dil toosaba maxkamado dad loogu soo taagey maxkamad sida kuwii   kula kacay arrimahaas dadka  Bosniya iyo Ruwanda iyo meelo kale oo addunka ka mid ah. Sharad ma aha in dadku gacantooda ka geystaan dambiyada .waxaa sharad ah uga qayb qaadashadooda si ula kac  ah oo ay ka mid tahay  ishortaaga nabada.

Kuwa somaliya ka leh dagaalka la joojin maayo ama xagaldaacinaya kuwa raba in ay soo afjaraan dagaalka kama ay duwana kuwa dagaalka wada oo dadka  xaq darrada ku laynaya.

Saas daraadeed waxay mas’uul ka yihiin oo maxkamad loo soo joojinayaa kumanyaalka somaliyeed ee geeridoodu sababsanayso sii socodka dagaalka , kuwa badda ku dhammaanaya  iyo kuwo silic si kale ugu dhimanaya..

Waxaa barwo u go’antahay ninka/ama nimanka leh dalka fidno yaanu ka abuuri oo boqollaal  madaxweyne yaanu abuuri  haddaan la ridin dowlada dagaalka ku haysa Al-shabaab. Kuwaani waxay u hiillinayaan marka xagga waxtarka laga fiiriyo Al-shabaab waxayna la miisaan noqonayaan dhinac walba Al-shabaab- waa garabka siyaasadeed ee Al-shabaab , Mahiga-na saas yuu ogaal iyo “ogaal-la’aanba” ku garab taagan yahay.  

Macnaha dowladan haddaan la ridin madaxweyneyaal  badan yaanu soo saari , miyeyna  ahayn  ama Al-shabaab ha sii wado shaqada xasuuqa oo dowladan ha la kufiyo ama annagaa dib u soo celin qabqableyaal dagaal  oo an ku magacawno madaxweyneyaal say hawsha  qandaraaska ank u qaadanay dagaalku ay u sii wadaan.?    

Qandaraaska galaangalka bululuq  galay waa dagaalku ha taagnaado(Xarbigu ha socdo tan iyo xiixaaye  !!!!!)  dadkuna ha dhumo.

Arrintu sida dad badan ee somaliyi qabo way ka bixi dhaqankii hore ee ahaa in an qofna loo raacan oo loo xisaabin wuxuu qaranka ku darsaday  iyo wuxuu u geystey waxayna tagi in maalin dhaw ay yeerto waligay bululuq ka mid noqon qabqabledagaal hebel magaciisa maba  aqlin abidkay.

Maalinway yeeri doontaa : aday i weetee !!!!!

 

Cabas C. cabdullahi

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: