Calendar

Banaanbax balaaran oo lugu tageeraayay R/wasaaraha soomaaliya max,ed c/llaahi farmaajo aya ka dhacay magaaladda kampala ay dalka yugandha. : June-15-2011

yunDibad baxaan maanta ka dhacay wadanka yungadha Ee  lugu tageeraayay r/ wasaaraha Soomaaliya max,ed cllaahi farmaajo  waxaa soo qaban qaabiyay  jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Yugandha loguna soo horjeedo hishiskii lugu gaaray gudaha wadaankaas waxa ay Dalbanayeen dibadbaxayaasha in loo daayo r/wasaaraha iyo xukuumadiisa iney shaqada sii Hayaan mudda sanadka ah ee loo gordhiyay hey’adaha dowlada.

Sidoo kale wexee shegeen hishiskii lugu gaaray wadanka ay jogaan ee yugandha uu yahay mid aan Dan ugu jirin shacabka soomaaliyeed besha caalamka ka codsaday inay arintaas dib u egaan.

Banaan baxayaasha ayaa markii dambe isgu soo aruuray hoolka shirarka ee jaalida Soomaaliyeed Ee Magaalada kampala ayagoo hees wadani ah qaaday oo ahayd ;maanta maanta maanta waa Malin weyne  maanta maanta  maanta …..: iyo ariyo kale

 Intaa kadibne waxaa la hadashay  Haweenay ka mid ah saraakiisha Yugandha iyadoo ka codsatay Inay is dajiyaan wixii amaankooda qal qal galinaaya ay u soo gudbiyaan laamaha amaanka si wax Looga qabto aye tiri salkaaladaasi .

Banaan baxaan ayaa waxaa uu daba socdaa banbaxyadii lugu tagersanaa r/ wasaaraha soomaaliya Max,ed c/llaahi  farmaajo banbaxyada ayaa waxa ay ka dheceen qeybo badan oo ka mid ah dunida Waxana ugu danbeesay dibadbixii ka dhacay maanta gobalada dhexe gar ahaan cabudwaaq iyo Kan maanta isna ka dhacay caasimada yungadha ee kampala waxa loga soo horjedaa heshiiskii Kampala ay qalinka ku duugeen Madaxweynha soomaaliya shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Barlamaanka  Shariif Xasan waxaa si isku mid ah ugu soo horjestay shacabka soomaaliyed oo Sheegay inuu yahay hishiskiisi mid  xadgudub ku ah jiritanka soomaaliyeed.

 

Xafiiska wararka bartamaha: muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: