Calendar

Dayax madoobad xalay laga dareemay Dunida oo dhan.

dayax

Dayax madoobaad ayaa xalay lagu  arkay qaar ka mid ah Wadamada Aduunka, kuwaasi oo si isku mid ah u dareemay dayax-madoobaadka  dhacay xalay.

Wadamada islaamka ayaa xalay markii la arkay inuu dayaxii madoobaaday lagu dareeray masaajidada si ay islaamka ugu soo tukadaan salaada Sunada ah ee alle lagu baryo xiliyadan oo kale.
Dalkan Somaliya oo ka mid ah wadamada islaamka ee uu xalay ka dhacay dayax madoobadka ayaa dhamaan gobolada dalka laga tukaday salaad alle bari ah,waxaana dhamaan dadweynaha isugu soo baxeen masaajidada,iyaddoo xitaa muqdisho oo uu amaankeeda xun yahay la arkayey dadweyne u socda masaajidada,kuwaasi oo amaan darida ay kala weyn tahay dayax madoobaadka dhacay xalay.

Muuqalka Dayaxa ayaa  dhamaan wada noqday madow,waxaana idaacadaha  Somaliya oo dhan bilaabeen soo deynta Aayaha quraanka Kariimka ah isla markaana waxay dadweynaha ku dhiirigelinayeen inay aadaan masaajidada si ay uga qeybgalaan salaada Sunnada ee alle bariga ah.

Laakiin mudo kadib markii ay umadaha islaamka isugu soo baxeen masaajidada isla markaana alle ay ka baryeen inuu madowga ka qaado dayaxa  ayaa waxaa soo laabtay nuurkii Dayaxa uu lahaa,waxaana ay taasi farxad ku beertay muslimiinta allahooda ku baryayey masaajidada iyo xitaa guryahooda,iyaddoona qof waliba isagoo faraxsan uu ku laabtay hoygiisa.

Dhowr jeer oo hore ayuu  dayaxa madoobaaday,iyaddoo uusan sida uu xalay noqday wada noqon,laakiin uu daraf ka madoobaan jiray,waxaana ay tani ku tilmaameen culumada sayniska inay tahay taarikh ku cusub dunida oo dhan marka loo fiiriyo dayaxa oo gebi ahaanba madoobaaday.

Sayid Caseyr “Kabootooy”

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: