Calendar

Banaanbax ka dhacay Magaaladda Garawe.

11526

Bartamaha (Garawe):- Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay Magaaladda Garawe ee Caasimada Maamul Goboleedka Puntland iyadoo banaanbaxan looga soo horjeeday Maamul-ka Madaxwayne Faroole.
Banaanbaxyaasha ayaa ka canbareeyey maamulka Puntland ee uu hormuudka ka yahay Dr.Faroole sida ay u dayaceen gobolka Mudug isla markaasna aysan u haynin wax dan ah in ay ka qabtaan arimaha amaanka ee faraha ka sii baxaya, halka maamulku isku mashquuliyey arimo siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka iyo in gaashaanbuur lala sameeyo maamulka Galmudug.
Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Mudug oo uu kamid yahay Dr.Bashiir Cali Biixi ayaa kamid ahaa dadkii la hadley shacabkii ka cabanaayey Maamulka Puntland ayaa yiri “Waxaan Maamul-ka Puntland u sheegay in Amaandaro xun ka jirto Gobalka Mudug”


“Xaaladda Magaaladda Galgacyo waxa ay mareeysaa Naftaada in aad Qori ku ilaalsato” Sidaas waxa ayiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo banaanbaxa ka hadlay.
Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale canbaareeyey heshiis dhawaan Dr.Faroole la galay maamulka Galmudug kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid siyaasadeed oo ku wajahan Dawladda Federaalka ee aanu ahayn mid amni wax looga qabanaayo.
Banaanbaxa ayaa si nabad ah ku dhamaaday iyadoo wali wax jawaab ah oo ku aadan Banaanbaxan aysan soo saarin Maamulka Putland.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: