Calendar

Boqoradda dalka Ingiirska oo Booqatay Masjid.

Queen Elizabeth II oo Timaha Asturaneeysa ka hor inta aysan Masjidka galin.

Queen Elizabeth II oo Timaha Asturaneeysa ka hor inta aysan Masjidka galin.

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia).Boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Imaaraadka Carabta ayaa booqatay masjidka Sheikh Zayed oo ah Masjidka ugu weyn dalka Imaaradka Carabta.

Boqoradda dalka Ingiriiska ayaa inta aysan Masjidka galin waxaa loo xiray Dhar asturaad ah iyadoo inta aysan Masjidka gudaha u galin laga siibay Kabaha sida ka muuqday sawiro laga soo qaaday intii ay booqashada Masjidka ku jirtay.

Masjidka Sheikh Zayed waxa Masjidka 3-aad ee Dunida ugu weyn, halkiin marna waxaa ku tukan karta dad gaaranaya 40 Kun oo qofood waana Masjidka si wanaagsan loo dhisay.

Sida caadiga ah marka dadka aan Islaam-ka aheyn ay booqanayaan Masaajida waxaa loo xiraa Dareeska dadka Muslimiinta ay xirtaan haddii ay Dumar yihiin dhar Asturan ayaa loo galiyaa iyadoo ragganna laga siibo kabaha.

Queen Elizabeth II intii ay ku jirtay Booqashadeeda Masjidka Sheikh Zayed wax ay goob joog ka aheyd ama ay dhageesatay dhalinyaro yar-yar oo aqrinaya Quraanka Kariimka.

Queen Elizabeth II oo kabaha iska siibtay kuna dhax jirta Kudaha Masjidka.

Queen Elizabeth II oo kabaha iska siibtay kuna dhax jirta Kudaha Masjidka.

Boqoradda dalka Ingiriiska ayaan mudo 31 sano ah soo booqan dalka Imaaradka Carabta oo ay dowladda Ingiriiska Gumeeysan jirtay.

Inta ay boqaradda joogto dalka Imaaraadka carabta waxaa la filayaa in ay kala saxiixdaan dowladdaha Ingiriiska iyo Imaaraadka Heshiis ganacsi iyadoo labada dowladood ganacsiga ka dhaxeeyo uu hadda yahay $7.5 Billion balse hadda la damacsanyahay in la gaarsiiyo $12 Billion.

Ibraahim Da’ud Abdalle.

[email protected]

Xafiiska Bartamaha ee Kuala Lumpur, Malaysia.

Sawiro kalle oo dheeraad ah.

Queen Elizabeth II oo Boqarka dalka Ingiriiska ay ku soo dhaweenaya dalka Imaaraadka Carabta

Queen Elizabeth II oo Boqarka dalka Ingiriiska ay ku soo dhaweenaya dalka Imaaraadka Carabta

Queen Elizabeth II oo dhageesaneeya dhalinyaro Quraan aqrinaya.

Queen Elizabeth II oo dhageesaneeya dhalinyaro Quraan aqrinaya.


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: