Calendar

Buracad Badeeda Soomaaliya oo sii daaysay Dooni laga lahaa Dalka Nigeria

dooniBartamaha(Muqdisho):-Doonidan oo lagu magacaabo Yenegoa Ocean taasi oo laga lahaa wadanka Nigeria ayaa muddo ka badan 10-Bilood waxa ay gacanta ugu jirtay kooxda loogu yeero Buracad Badeeda Soomaaliya.

Afduubayaasha ayaa 04-Bishii 8aad ee sanadii 2008 waxa ay ka afduubteen donidan gacanka Cadmeed halkaasi oo ay maraysay iyagoo intaa gacanta ugu jirtay raggan Burcada loo yaqano.

Afduubayaasha ayaa waxa ay haysteen Doonidaasi muddadii ugu dheereed taasi oo ay la haysteen ilaa  10-ruux oo ka shaqeynayay kuwaasi oo qaarkood xaada caafimaad daro ugu dul xanuunsanayay doonida la haystay.

Warbixin laga soo saaray xafiiska Badmareenada Bariga Afrika ayaa lagu sheegay in haatan ay Buracad Badeeda Soomaaliya haytaan ilaa 14-Markab kuwaasi oo ay saaranyihiin 200-Badmaaxiin u badan Philippines dhibaata nolol xumo haysato.

Afduubayaasha Soomaaliyeed ayaa sanadii la soo dhaafay si weyn u kordhiyay weerarada maraakiibta maraysa Xeebaha soomaaliya iyadoo ay badda soomaaliya taaganyihiin in ka badan 30-Markab dagaal aan howlgalkoodu Natiija lahayn.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: