Calendar

Burcad Badeeda oo gacanta ku dhigtay markab laga leeyahay dalka Griiga.

 

burcad badeBartamaha(Athenes):-Kooxaha Burcad Badeeda Wadanka Soopmaaliya ayaa gacanta ku dhigtay markab laga leeyahay dalka Giriiga kaaasi oo shidaal u waday Maraykanka.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka Ratures waxaa gacanta lagu dhigay markab lagu Magacaabo Maran Centauros oo laga lahaa Wadanka Greeka balse saliid u siday dalka Maraykanka.

Markabka Maran Centauros ayaa waxaa saarnaa illaa 28-shaqaale oo u kala dhashay 9-Greek ah ,2-Ukrine ah iyo mid u dhashay Romania oo dhammaan ahaa shaqaalaha markabkaasi.

Markabkan ayaa waxaa laga soo afduubtaymeel qiyaastii biyaha Soomaaliya u jirta 730-Mayl taasi oo ah meel aad uga fog biyaha Soomaaliya taasi oo la yaab ku noqotay maraakiib ilaala ka haysay markabkaasi.

Illaa haatan lama yaqaan halka la geeyay markabkaasi laga leeyahay dalka Giriiga bale u socday dalka Maraykanka iyadoo illaa haatan gacanta Burcad Badeeda ay ku jiraan in ka badan 20-markab iyo 230-shaqaale saarnaa ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: