Calendar

Burcad badeeda oo sii daayay markab laga lahaa dalka Jarmalka

Kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa sii daayay markab laga lahaa dalka Jarmalka iyo shaqaalahiisa ka dib markii ay afduub ahaan u heysteen in ka badan labo bilood sida lagu sheegay  war saxaafadeed ka soo baxay shirkada iska leh markabkaasi oo saldhigeedu yahay dalka Jarmalka.

Markabkaani oo ah nooca xamuulka qaada isla markaana lagu magacaabo Ems River ayaa waxaa saarnaa shaqaale tiradoo lagu sheegay sideed qof,kuwaasoo  todobo ka mid ah ay u dhasheen dalka Filibiin,halka mid kale uu yahay Ruush,waxaana la xaqiijiyay inay nabad qabaan.

MV Ems River waxuu gacanta burcad badeeda soo galay 27-dii decembr sanadkii hore,markaasoo laga soo qafaalay meel 175 miles u jirta  degada magaalada Salalah ee dalka Cumaan

“..Haa waan sii deynay markabka MV Ems River,waxaana madax furasho ahaan ugu qaadanaya lacag gaareysa sadax Million.” sidaasi waxaa wakaalada wararka Reuters u sheegay mid ka mid ah burcad badeeda uu u afduubnaa markabkaani.

Dhinaca kale  Andrew Mwangura ayaa xaqiijiyay sii deynta markabkaani MV Ems River,balse waxuu ka gaabsaday inay jirto wax lacag madax furasho ah oo la siiyay burcad badeeda.
Burcad badeeda Soomaaliyeed ayaa cadeesatay inay maraakiibta iyo doonyaha mara meelaha ka baxsan biyaha soomaaliya ka soo afduubtaan,iyagoona ka dib weydiista lacago aad u badan oo madax furasho ah.

hrt

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: