Calendar

Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Maanta La Kulmay Taliyayaasha Ciidamada Soomaaliya & Kuwa AMISOM

Shariif Sh Xasan oo malatari ku labisanMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wuxuu kulamo isdaba joog ah la qaatay dhammaan masuuliyiinta ugu sareysa ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom.

Kulumadaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Xaaji ( Fiqi) Taliyaha Ciidamada qalabka sida General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyo Taliye Xigeenbka ahna Abaanduullaha Ciidamada XDS C/kariim Yuusuf Aadan (Dhegabadan), iyo Jeneraal Nathan Mugisha ,Taliyaha ciidamada AMISOM.

Kulankaas oo qayb ka ahaa abaabul xoog leh iyo wadatashiyo uu Madaxweyne Shariif uu la yeelanayo saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka Soomaliya iyo kuwa Amisom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Sheekh Shariif  Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in muhiimadda kulumadaan ay  tahay sidii amaanka dalka loo sugi lahaa, loogan saari lahaa argagixisada caalamiga ah ee dalka ku soo duushay.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho, Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: