Calendar

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii dhimashada gaystay ee magaalada Beledweyn ayaa maanta loo qaaday Nayroobi

beledweyn1Bartamaha — 11 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee qamiistii ka dhacay Magaalaada B/weyne ee G/hiiraan ayaa maanta looqaaday Magaalada Naroibi ee dalka kenyakadib markii wazaarada Caafimaadka Dowlada KMG ah u fidisay howlo caafimaad.
 
Dadka laqaaday oo iskugu jira Odoyaal,saraakiil,iyo dad rayid ah oo wax looga qaban waayay Cuspitalka Magaalada B/weyne waxaana ay dhamaantood yihiin kuwa gubtay iyo kuwa lafaha ka jaban.
 
Gudoomiyaha Maamulka Maxkamadaha Islaamka ee G/hiiraan Sh,C/raxmaan Ibraahim Macow oo aan wax ka waydiiyay gar gaarkalasheegay in ay wazaarada Caafimaadka Dowlada KMG ah u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii maalmo dhow dhacay ayaa waxaa uu sheegay in taasi ay jiro islamarkaasina sida uu sheegay makii Dowladu aragay inta ay la,ektahay wax yeeladii dhacday ay garatay in gar gaar caafimaad oo wanaagsn ay helaan dadkii dhaawaca uu soogaaray oo dhamaantood ahaa kuwa halis ah.
 
Qamiistii lasoo dhaafay ayaa qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday Mas’uuliyiin uu kamid ahaa Waziirkii amniga oo ay ku dhinteen in kabadan 30qof oo rayid oo iskugu jira ma’uuliyiin Odoyaal dhaqameed,siyaasiyiin iyo dad ka,agdhawaa goobta iyadoo dhaawac intaasi ka badan uu soogaaray dadkii u badnaa rayid oo haatan dhaawacooda uu yahay mid qatar ah.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: