read more »">
Calendar

Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo oo Afka ku Weeraray Hay’adaha Samafalka ee ka Howlgala Gudaha Dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa siweyn loogu dhaleeceeyay Hay’ado samafaleel sida WFP, UNDP iyo Hay’ado kale oo tiro badan.

 

Dhamaan Hay’adahaasi waxaa ay Maamulku sheegeen in ay yihiin Cadowga keliya ee Mujtamaca Soomaaliyeed jid gooyada u  dhigta islamarkaasina ugaga faa’iideysta Xilliyada jihaadka lala galayo Cadowga islamarkaasina loor galley ah jihaadka kaga indhosaaba bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed waa sida ay Maamulku yiraahdeene.

 

Waxaana ay ku baaqeen in Hay’adahaasi af iyo adin lagala dagaalamo Maadaama qudhooduba ay yihiin qeyb kamid ah dagaalada ka dhanka ah Maamullada islaamiga ah ee Dalka iyagoona ku tilmaamay in ayan wax samo fal ah kawadin dalka balse ay yihiin Mudac afka hore dhiig ku sita.

 

Madaxa warfaafinta Maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Amuurahaasi shir jaraa’id kaga hadlay ayaa waxa uu ugu danbeyntii kusoo gabagabeeyay baaq uu u dirayo Mujtamaca Soomaaliyeed in ay haatan dhag jalaq u siin is dhiibidda ay iska dhiibayaan xeryaha qaxootiga waxaana uu ugu baaqay in ay ka qeybqaataan dagaalada looga soo horjeedo waxa ay ku tilmaameen Cadowga Islaamka.

 

Iskusoo wada duuboo hadalkaan Maamulka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dad fara badan oo barakacayaal ah ay sii buux dhaafinayaan xeryaha Qaxootiga Waqooyi bari Dalkaasi Kenya, kuwaas oo kasoo hayaamay Dirirta ka socota Muqdisho, haatanna ay ku qaabishay hay’adda UNHCR xeryahaasi Qaxootiga, waxaana yacquub taasi uu ku tilmaamay in ay tahay jidgooyo dadka looga marin habaabinayo Jihaadka lagula jiro cadowga Islaamka.

Warar Xaqiiq ah kala soco www.Bartamaha.Com

www.Bartamaha.com

Kismayo-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: