Calendar

Dagaal ka qarxay magaaladda Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbooyinka

Xakarada Shabaab ayaa waxa ay ku qaadeen dagaal gaadmo Garoonka Magaalada Kismaayo halkaa oo uu fadhigooda ahaa Ciidamo ka tirsan Kenya iyo Raaskambooni.

Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray ciidamada Kenya iyo kuwa Raaskambooni oo isku dhinaca iyo Alshabaab asagoona geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo iminka majiro wax war ah oo ka so baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya oo garabsanaya kuwa Raaskambooni iyo Al Shabaab kaa oo ku aadan Dagaalkii Qasaaraha geystay ee ku dhexmaray Magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay kuwa inta badan Al Shabaab ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Raaskambooni oo taageero ka helaya kuwa Kenya isla markaana ay ku leeyihiin degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News.
« »

Comment: