Calendar

Deg Deg: Ahlusuna Waljameeca Iyo Meleeshiyadka Shabaab oo Ku dagaalamaya God-dhurwaa oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

sunnah

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusemareeb Ee gobolka Galgaduud ayaa tibaaxaya in dagaalo xoogan uu goor dhaw  ka bilaawday waxuuna Dagaaladanii fooda isku daray Kooxaha  Ahlusuna Waljameeca iyo Meleeshiyaadka Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku dara in Rasaasta la isku adeegsanayo Dagaladani goor dhaw ka bilaawday deegaano hoosatga Gobolka Galguud in laga  maqlayo Dhawaqa Rasaasta Magaalaad Dhuusemareeb.

Ciidmada Ahlusna Waljameeca oo taageero ka helayo Cutubyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa weerar ku qaaday fariiisimo ay leeyihiin Mucaardaka Shabaab waxuuna dagaalkaani ka  bilwaawday Deegaanka God- dhurwaa oo 18KM u jirta Degmada Dhuusamareeb dhanka Bari.

Dagaladaani ayaa qeyb ka ah ku wa lagu cirib tirayo Meleeshiyaadka Shabaab, waxaana haatan dagaal xoogan kula jira Shabaabka , Ciidamada Ahlusa Waljameeca oo garab ka helaya Ciidamada Dowladda FKMG Soomaaliya.

Wararkii kusuoo kordhaa Warkan kala soco Webka www.Bartamaha.com.Haduu Eebe idmo.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: