Calendar

Dhaawacyada Askar ka Mid ah Amisom oo Maanta Laga Duuliyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

amisomMuqdisho (RBC) Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aaden Cadde laga duuliyey dhaawacyo gaarya 10 kuwaasoo ka tirsan ciidanka Amisom.

Askartan dhaawacyada ah ayaa u badan ciidanka Burundi oo shalay ka dagaal galay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dagaalameen ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG oo isku dhinac ah iyo ciidamada xarakada Shabaab.

Wararka RBC Radio soo gaaraya ayaa sheegaya in  dhaawacyadan ay ahaayeen kuwo wax looga qaban waayey isbitaalka Amisom ku leedahay xerada Xalane, waxaana qaaday diyaarad gaar ah oo ka timid magaalada Nairobi.

Saraakiil aan dooneyn in magacooda la shaaciyo ayaa RBC Radio u sheegay in askarta dhaawaca ah loo qaaday isbitaal ku yaalla Nairobi oo had iyo jeer loo qaadi jiray dhaawacyada ciidamada Amisom.

Dagaal culus oo shalay ka dhacay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac xoogan oo soo gaaray dhinacyada dagaalka.

Ma jirto wax war ah oo dhinaca saraakiisha Amisom kasoo yeeray oo ku saabsan dhaawacyada iyo khasaaraha soo gaaray taasoo ah arin ciidan oo sida badan aan lasoo bandhigin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah meydadkii ciidamada Amisom ee shalay ay soo bandhigtay xarakada Shabaab ayaa maanta loo qaaday deegaano ka tirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe halkaasoo dadka deegaanadaasi loogu soo bandhigay, waxaana meelaha maanta meydadka la geeyey ka mid ah Jowhar, Balcad, Ceelasha biyaha iyo Afgooye.

===================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: