Calendar

Diame Mohamed oo Ay Arsenal doonayso.

Naadiga ciyaarta horyaalka ingiriiska ee Arsenal ayaa hogaaminayso doonista loogu jiro ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda West Ham ee Mohamed Diame.

West Ham ayaa u bandhigtay ciyaaryahanka reer Senegal Mohamed Diame hishiis cusub iyadoo hishiska uu kula jiro haatan kooxda ka harsan yahay lix bilood kaliya.

Mohamed Diame oo 25 jir ah ayaa West Ham kasoo iibsatay kooxda Wigan waxaana uu diidan yahay in hishis cusub uu u saxiixo kooxda ka dhisan bariga London.

Haddii uu saxiixo hishiis cusub ciyaaryahan Mohamed Diame ayaa qiimihiisa uu gaaraya 7 milyan oo gini.

Xidigaan Mohamed Diame ayaa kajabay bowdada ama lafdheerta bishii lasoo dhaafay waxaana uu yahay mid aan ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdaas.

 

Mohamed Diame ayaa lagu wadaa inuu ciyaaro kulanka isku celiska ah ee FA cup-ka maalinta bari ee arbacada ah.

Arsenal ayaa ku doonayso 3.5 milyan oo gini waxaan si weyn u jecel xidigaan tababaraha naadiga Arsenal Wenger oo aaminsan inu yahay mid kooxda Arsenal boos ka buuxin doonno.

Mikel Arteta ayaa garoomada ka maqnaan doonno labo todobaad kadib markii uu dhaawac soo gaaray.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: