Calendar

Diyaarad rakaab siday oo Gelinkii dambe ee maanta ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee galkacyo.

 

diyaaradShilkan Diyaaraded ayaa la tilamaamay inuu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaaladda galkacyo sababta ayaa lugu sheegay iney ku timid kaddib markii lugta hore ee diyaarada ay u bixiweysay taasoo sababtay in diyaaradu ay wadada ka baxdo.

Rakaabka diyaarada la socday oo gaaraayay 35-ruux ayaa dhammaantood ka bad baaday balse waxaa gabi ahaan bur burtay Diyaaradii sida uu warbaahinta Muqdisho u sheegay Wakiilka Jubba Airways ee Magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Axmed Maxamed.

Wuxuu sheegay C/raxmaan Axmed in shaqaalaha Garoonka ay u gurmadeen diyaaradaasi ayna bad baadiyeen dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa.

Waxaa jira warar sheegaya in diyaaradaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa inkastoo aan la xaqiijin warkaasi, waxaana dad badani isweydiinayaan waxa sababay in diyaarada lugteeda hore ay u bixi weyso.

Garoonka Diyaaradaha Galkacyo ayaa ka mid ah garoomada macmalka ee laga isticmaalo gudaha Dalkeena Soomaaliya, waxaana ka muuqanaya bur-bur, kaas oo aan helin wax dayac tir ah.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: