Calendar

Mareykanka oo Markale uga digay Muwaadinintisa Inay Usafraan Soomaliya

 Washington_War qoraala oo lagasoo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibada dalka mareykanka ayaa muwaadininta dalkaasi looga digay inay usafraan gudaha dalka Soomaliya.

Warkaan kaso baxay wasaarada arrimaha Dibada ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in weli ay ka jirto Soomaliya xaalad amni daro oo aan la isku halaynkarin, waxaana muwadiniinta maraykanka lagu wargeliyay inay usafrin gobalkasta oo kamid ah Soomaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in safar ay muwadiniinta marakanka ku tagan Soomaliya ay kala kulmi karaan, Afduub, Qaraxyo iyo weeraro kale oo lala eegto.

Dhinaca kale waxaa looga digay Ajaaninbta kale ee doonaya inay usafraan Soomaliya inay jiraan hanjabado ka imaanaya ururka Al-shabaab, waxaana warbixinta lagu xusay inay kadigtoonadan  goobaha lagu gancsado, Garoomada, iyo xarumaha Dowlada.

Waa markii labaad oo digniin noocani oo kale ah ay kasoo baxdo Mareykanka kaasi oouu uga digayo muwadinintisa inay safaro ku tagaan guddaha Soomaliya, bishii JUN ee sandkii 2013-kii ayaa dignin noocan oo kale ah ay kasoo baxday dalka Mareykanka.

www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: