Calendar

R.W. Saacid “Hambalyo Berri Waa Ciid”

Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqay inay maalinta berri ah tahay ciid, waxaana hambalyo ku aaddan ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dalalka Bariga Afrika ayaa iyagana loo dhawaaqay inay maainta berri ah tahay maalin ciid ah, kaddib markii ay dhammaatay bishii Ramadaan oo la soo soomay 29 maalmood.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda Soomaaliya, waxaan hambalyo ku aadan ciidul-fidriga u diryaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana ALLE  uga baryayaa inuu sannadkan kiisa kale nabad iyo baraare ku gaarsiiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu yiri: “Waxaan baaq uga dirayaa anigoo ka fa’iidaysanaya fursadda ciidda dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, isku naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka.”

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: