Calendar

Dowladda Maraykanka Ayaa Kampala ku Qabtay Shir Lagu Garab-istaagayo Dowladda Soomaaliyeed

4(Kampala, Uganda, July 26, 2010) Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u Qaabilsan Africa, Jonnie Carson, ayaa maanta shir gacan lagu siinayo dowladda Soomaaliya u qabtay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay shirkii Madaxda Midowga Africa ee ka socda Kampala.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda waddamada IGAD, iyo madax ka socoto dalalka Golaha Ammaanka ku jira, madaxda yurub, gaar ahaan kuwa deeqda bixiya iyo madaxda Midowga Africa, kuwa Qaramada Midoobey iyo dalalka diyaarka u ah in ay gacan milateri ama mid horumarineed siiyaan dowladda Soomaaliya.

Dhammaan madaxdii shirka ka soo qaybgashay, waxa ay ka hadleen in xaaladda Soomaaliya ay marayso meel aan hadal u baahanayn ee gacansiin dhab ah u baahan, waxyaabihii ka soo baxay shirkaas, kuwaas oo si gaar ah ay dowladda Maraykanku u codsatay, waxaa ka mid ahaa in waddan kasta waxa uu dowladda FKM ah ku caawinayo oo la taaban karo in uu ku soo gudbiyo 15 maalmood gudahood iyo in waddan kastaa uu kafaalo qaado mid ama labo ka mid ah hayadaha Qaranka Soomaaliyeed sida Wasaaradaha dowladda.

Arrimahaas oo dhammaan waddamadii iyo ururadii ka soo qayb galay shirka ay ballan qaadeen in ay ka hawlgalayaan, iyada oo tusaale ahaan dalka Norway ay madashada shirkaba ku ballan qaadday deeqda ay Norway Soomaaliya siiso in ay si toos ah ugu dhiibayso dowladda FKM.

Dowladda Maraykanka ayaana qaatay masuuliyadda mutaabacaynta ballan-qaadyada iyo isku xirka gurmadka caalamiga ah ee Soomaaliya loo samaynayo.

Dhanka kale berri ayuu soo bixi doonaa qaraaradii shirka Madaxda Africa, iyo gaar ahaan kuwa Soomaaliya ku saabsan.


Communications / Warfaafinta

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: