Calendar

Dowladda Soomaaliya marna ma aqbalin mana taageerin dacwooyinka uu wado Peter King.

Axad October, 2 2011: Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Amniga  ayaa dhowaan ku shaaciyey boggiisa internet ka in Dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah Muslimiinta ee uu wado. Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageerin dacwadaha is-daba jooga ah ee uu ku dhawaaqay bishii Maarso.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa aad ula yaabay ka dib markii uu ogaaday in Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King inuu shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay siisay ballanqaad ah inay si buuxda u taageereyso, kalana shaqeyneyso dacwadaha uu wado.

 

Dowladda Soomaaliyeed waxey canbaareyneysaa Peter King aragtiyadiisa ku aadan xagjirnimada oo ah kuwa khilaaf dhalin kara iyo weliba Dowladda Soomaaliya sinnaba uma taageeri karto, mana la shaqeyn karto Peter King iyo arrimihiisa.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageereyso dacwadaha is-daba jooga ah oo diiradda si gaar ah u saaraya muslimiinta. Dowladdayadu ma taageereyso, mana la shaqeyneyso shaqsi khilaafwade ah, isla markaana aragtidiisu tahay mid gaaban. Dowladda Soomaaliya waxey taageeri kartaa oo kaliya aragtiyada aan khilaaf keeni karin. Danbi walba waa in loo eegaa si gaar ah, cid allaale iyo cidii danbi gashana waa mid aan la soo dhoweyneynin, waana in la horgeeyaa maxkamadda oo si cadaalad ah loo xukumaa, iyadoon aan koox ka tirsan bulshada la faqooqin.”

 

Dowladda Soomaaliya waxey safka hore uga jirtaa la dagaalanka argagixisada, waxeyna ka shaqeyndoontaa sidii argagaxisada looga cirib tiri lahaa dalka iyo adduunkaba. Sidaas daraadeed, ma jiri karto xaalad keeni karta oo aan ku taageeri karno shaqi ama shaqsiyaad oo si cad u faquuqaya oo muslimiinta ku tilmaamaya argagaxisayaal.

 

Dowladda Soomaaliyeed waxey weydiisaneysaa Mudanaha Aqalka Mareykanka Peter T. King inuu ka saaro qoraalka uu ku soo saaray boggiisa internetka oo sheeganaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali uu ku biiray taageerayaasha fikirkiisa dacwadaha uu ku soo oogayo dad gaar ah. Warkaas waa mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la been abuuray.

 

- DHAMAAD -

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: