Calendar

Golaha Amaanka QM oo dib u cusbooneysiiyay howlgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Golaha Amaanka QM ayaa jimcihii ka codsaday Midowga Africa in la kordhiyo askarta Midowga Afica ee ku sugan Soomaaliya lana gaarsiiyo ugu badnanaan 12,000 halka hadda ay ka yihiin ilaa 9,000 

Qaraarkan ka soo baxay Golaha Amaanka QM ayaa loogu baaqay waa Askar cusub ayaa ka imanaya wadanka Sierra Leone, laakin waxa jirra wadamada Burundi iyo Uganda oo iyana kor dhin doona askarta ka joogta Soomaaliya, in kastoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda ku deeqay Midowga Africa  

 

Goluhu waxa kaloo uu ka dhawaajiyay Askarta 12,000 laga rabo in ay waardiyeeyaan shaqaalaha QM ee ku sugan magaalada muqdisho. 

Goluhu waxa kalo dowladda KMG Soomaaliya ugu baaqeen in ay lala dagaalanto musuq maasuqa, dowladda ay kor dhiso furfurnaada iyo wada hadalada ay la sameeneeyso dhinacyadda ka soo horjeeda.

 

Si kastaba, go’aanka Golaha amaanka QM ayaa ku soo beegmaya xili dagaalo culus ay ka dhaceen degmada dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose.

 

QM hay’adda u qaabilsan arrimaha Qoxootiga UNHCR ayaa sheegtay bishii hore xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya ay ka gudbeen 1,200 Soomaali ah kuwaas oo ka barakacay gobalada soomaaliya .

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: