Calendar

Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Xilkii Iska Casilay

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji XasanGaalkacyo (RBC Radio):- Duqii Degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa goor dhoweyd oo saaka ah iska casilay xilkii Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo.

Mudane C/raxmaan ayaa warqad qoraal ah oo uu xafiiskiisa ku reebay ku sheegay in uu iscasilay isla markaana sababaha uu isu casilay ay yihiin duruufo isaga u gaar ah iyo xaalada haatan ku sugan tahay degmada Gaalkacyo oo la noqotay mid aan munaasib ku aheyn inuu ku sii shaqeeyo.

Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo wuxuuna warqada iscasilaadiisu uu u dhiibay Gudoomiye xigeenka Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Muuse Nuur.

Inkastoo aan la cadeyn halka uu u dhoofay Gudoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo haddana waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in uu u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

==========================

Source: Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged , .
« »

Comment: