Calendar

Ethiopia oo ku gacanseyrtay inay ciidamo dirto

shiikhshariifDowladda Ethiopia ayaa diiday codsi uga yimid dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo ay ku dalbatay ciidamo ka caawiya sidii ay ula dagaallami lahayd kooxaha Islaamiyiinta ah ee mucaaradka ah.

Ethiopia waxa ay sheegtay in faragelin militeri oo Soomaaliya ay ku sameeyaan ay u baahan tahay qorshe caalami ah.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Ethiopia Bereket Simon ayaa sheegay in haddii ay fara gelin sameynayaan loo baahan sharciyad caalami ah, oo loogu oggolaanayo inay galaan waddanka Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in beesha caalamku ay tahay inay caawiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ee aanay ku koobneyn waddamada deriska ah oo keliya.

Shalay ayaa Guddoomiayah baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur waxa uu ka codsadat waddamada deriska la ah Soomaaliya inay ciidamo ugu soo diraan muddo 24 saac gudahood ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waddanku qatar ugu jiro wax ay ugu yeereen argagaxiso caalami ah oo dooneysa inay saldhig ka dhigato waddanka Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: