Calendar

Faah Faahin Dheeri ah oo ka soo baxaya Dagaal ka dhacay gobolka Gedo

232Buusaar (www.Bartamaha.com):- Wararka ka immanaya Deegaanka Buusaar oo 40km dhinaca bari kaga began Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaallo ay ka dhaceen kuwaas oo dhexeeya Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dadka deeganka ayaa u sheegay www.Bartamaha.com dagaalka in uu socday 3 saacadood.

Inta la ogyahya waxa ku dhintay dagaalka ilaa 15-ruux oo u badan dhinacyadda dagaalamaayay waxa kaloo ku dhawacmay 25-kale.

dhaawacyadda ayaa la sheegay in loo kala qaaday Degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq.

Sarkaal ka hadlay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka hadlay Idaacadda Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen 5 gaari oo kuwa dagaalka ah, dagaalkana uu ahaa mid culus.

Sida wararku aan ku helnay dagaalka waxa soo qaaday Ururka Al-Shabaab.waxa kaloo wararka ay sheegayaan intii dagaalka uu socday deeganka Buusaar in heesteen kooxihii soo weeraray,

Dadka deeganka waxa kaloo ay sheegeen in deeganka xaley duqeeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor intii aysan saaka weerarka qaadin, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo duqeyntii xalay ka dhashay.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

xaaladda ayaana hadda dagan kooxdii soo weerartayna waa ay ka baxday deeganka.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: