Calendar

UNICEF oo gargaarkii ugu horreeyay muddo shan sano ka dib shaley ka dajisay ah Gobolka Gedo

10Garbahareey(Bartamaha): - Diyaarad u kireysan hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF, oo sidda gargaar kala duwan sayaa shaley markii ugu horreysay muddo shan sano ah kaddib waxa ay ka dagtay garoonka diyaaradaha ee degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Saraakiil dowladda KMG ah ayaa u sheegay Bartamah.com in diyaaradda ay sidday gargaar u badan raashanka kan nafaqeysan.

Dadka magaaladda ayaa isku soo baxay si ay u arkaan diyaaradda maadaama ay ahayd markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo ay diyaarad kasoo dagto,degmadda Garbahaareey.

Labo bilood ka hor ayay ahayd markii diyaarad u kireysan UNICEF ay gargaar geysay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo diyaaraddaas ay ahayd tii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo ku dagta degmadaas.

Degmada Garbahaarey ayaa waxaa gacanta ku haya ciidammo taabacsan DKMG ah iyo kuwa Ahlusuna oo isgarabsanaya, kuwaasoo billowgii sannadkan dagaal uga qabsaday Xarakada Al-shabaab oo ka talinaysay degmadaas labadii sano ee lasoo dhaafay.

Hay’adda UNICEF ayaa ka howlgasha degmooyinka ay dowladdu ka tiliso iyo kuwa ay Al-shababa ka taliso ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxaana hay’addu ay horay u sheegtay inay gargaar geynayso deegaannada ugu daran ee ay abaaruhu ku dhufteen dalka Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: